Murti & Wisdom والحكمة

Maydhane Blog

  • Saddexlayda (trilogy) Jaadadka Keligii-Talliyaha Reer Afrika waa hawl ballaadhan oo Nuuradiin Faarax ku koobay saddex buug hirdanka dhexyaala keligii-talliyaha iyo bulshada uu u talliyo. Saddexdaas buug oo mid kastaa ka hadlayo siday isula falgaleen keligii-talliyaha iyo qoysaska ama shaqsiyado cayimani isla markaana iskugu soohmeen halganka ay ugu jiraan inay difaacaan ama dumiyaan nidaamka keligii-tallisnimo, qaarkood…

  • Magaca Buugga: Man’s Search For Meaning “Macno-Goobista Dadka” Magaca Qoraaga: Victor E. Franklin “Fiktor Faranklin” Daabacaddii: Beacon Press  Turjumistii: Ilse Lasch Sannadka Daabacaadda: 2006 (Ugu horreyn wuxuu buuggani kusoo baxay Af-Jarmal sannadkii 1959kii) Bog-tirsi: 163 Xaamud waa nin fiiro dheer ku darsaday joogtaynta in indhihiisu u furnaadaan la’yaabka dunidda. Maalinba mid ka tilmaamane, wuxuu maalin igaga…

  • Magaca Buugga: From A Crooked Rib “Ka Timid Feedh Qalloocan.” Magaca Qoraaga: Nuuradiin Faarax Daabacaddii: Penguin Sannadkii la qoray: 1968 Bog-tirsi: 163 Buuggan kor ku xusan oo ah male-awaal wuxuu qoraagu inagu guddoonsiinayaa sheekada Ceebla. Ceebla waa gabadh ku dhalatay oo ku barbaartay miyiga ilaa awowgeed oo ahaa cidda qudha ee nolosheeda go’aamisaa uu guurkeeda u qabanqaabiyey…

  • Abdirahman Adan Mohamoud abdirahman.adan@gmail.com Late Gaarriye (may Allah shower mercy on his abode) touched all of the Somali ethnic in so many ways. He touched some of us personally; others professionally; but all profoundly. He touched Abdirahman all – personally at Amoud, professionally as a key player in Habitat’s work on Somaliland local governments and…

  • Umayma Abdulahi Issa Good umayma022@hotmail.com One of the pictures that never left my mind was on the wall of late Dr. Annelina Tonelli’s office. It showed a person who faces a mirror which reflects his back. Late Dr. Tonelli died trying to fix that picture. Here, Umayma redraws that picture – this time, in words…