Murti & Wisdom والحكمة

Maydhane Blog

  • Waxa aan iyaga la hadalhaynba wixii anshax qulquley – ama dalka ha weydaartaan, ama goleyaal gaar ah uun ha weydaartaan e. Sida laga soo weriyey dadkii hore, wejigu wuxuu ahaa baasaboor meel walba lagu maro. Haddana waxa la werinayaa in baasaaboorku yahay wejiga meel walba lagu maro. Sida se wejigu ugu guurey baasaaboorka, ama baasaboorku…

  • …qiimaha akhrisku kuma jiro tirada ee waa tayada; kuma jiro intaad garatay ee waa intaad guddo; kumana jiro intaad ku xidhan tahay aragti iyo qof ee waa intaad u xalan tahay aragti iyo qof cusub.

  • Gegeda diyaaradaha ee Nayroobi waxaan beri kula kulmay qof iga yaabshay. Waxay ahayd hiirtii waaberi; shantii iyo badhkii subaxnimo. Waxaan u soo kallahayey Hargeysa. Safka waxa iga horeeyey dad badan oo ay ku jirtey gabadh ay la socdeen dad aan is idhi waa ehel ama asxaab. Qaarkood ayaan u qaatay inay waalid u yihiin ama ugu…

  • Not everything dear Is near Nor everything near Is dear Dear is not near Nor is near dear So hear

  • Beri hore waxay jirey bakayle. Bulbullayaashu waxay baradooda kula noolaayeen diin. Bakaylaha kii ugu weynaa ayaa maalin shiriyey rayidkii. Wuxuu ugu baaqay nolosha in wax laga bedelo. Wuxuu yidhi: Bakaylow, maanta saw ma dhamid? Yar iyo weyn, indheergarad iyo culimo, rag iyo haweenba, ma cid baa kaa maqan? Nin weyni waayihii sheegye, diinkan agtiina daaqa…