Murti & Wisdom والحكمة

Maydhane Blog

  • Wq Maxamed Saleebaan Cumar Qormadan Maxamed kula talinayo Madaxweynaha La Doortey waa miid. Waana mid ii taabanaysa si heerar kala sarsarreeya leh. Waa mare saaxiibkay danta qaranka weeye wuxuu odhaahdiisa ka dhiibtay isagoon qool ku xidhnayn. Dabcan way muuqataa in hawraartiisa ay muunadaysay taageeradiisu laakiin ayna sargoyn. Mar labaadka, waa qormo muujinaysa sida duruufaha hortaagan dawladda…

  • Inaad qotadooda hoos ugu degto iyo baaxaaddooda jibaaxdo waxay ku kala xidhan tahay kolba waxaad ka rabto – taas oo aniga iyo cid kale toona akhristaha u go’aamin karayn.

  • Dhacdada Burco ee isgaashaanbuuraysiga labada beelood ma aha wax dadka hore uga qarsoonaa. Beelaha siyaasadda iskugu hiilinayaana maanta ma bilaabmin. In la sheego waxa la is odhan karaa wixii hoos aan u wada ogeyn ayey kor u qaadeen. Dad badan markaasay la urtey. Urta dhabta ahi waa in wakhti omos ah, oo dad iyo duunyaba halis ku…

  • Akhrisku marka hore waa qiraal… Waa qirashada in aanad ku kaaftoomayn… Waa bu’da ahaanshaha aadamaha oo ah ku dhiman, baahiyo badanna leh. Dhanka kale, akhrisku waa rajo. Waa rajada aad ka qabto in waxaas kaa dhiman laguugu yaboohi karo… Ugu dambeynta se, akhrisku waa buuxinta muggaaga qof ahaaneed. Waa u tebinta wixii aad ka korodhsatay…

  • Berigaas na yaabkaas ayaa taagnaa: kitaab aan la isbarayn oo la isku mehersanayo dad badan way ka yaabeen. Imikana masjid la isku mehersado oo aan dhaqaale lagu dhawrayn, meher markiisa hore ba anshax lahaana lagu qabanayo.