Murti & Wisdom والحكمة

Maydhane Blog

  • “Xaawalayda hanad iyo Nin ragaa xurmeeyee Xaflad laysu wada yimi Xuural cayn gashaantiya Nin xor ahi kabtiisiyo Xaglo guna ma saaree Uma quudho xanaftee” Maxamed Cumar Mutanabi   Caawa waxaan arkay muuqaal aad ii gilgiley. Waa muuqaal, sida aan is idhi isla markaana loo soo bandhigay ay tahay sidii lammaane reer wada dhisanaya oo aroosku…

  • Kani waa taxayga sanadkan. Iyadoo ay ku xidhan tahay helitaanku, qaar ayaa laga saari karaa, kuwa kalena waa lagu soo kordhin karaa. Waa uun tallaabo hor leh oo ka duwan tii awal oo isu dayeysa in inkastoo aanad sheeda ka wada dooran karin sanadka akhriskiisa haadda buugta loo helayo awgood, haddana in uun la isku…

  • Caawa waa gurcud dam ah. Haddana, waa kasii goor iyo goob qul ah. Qolka baas maxaa iftiin oo dhan ka qariyey! Waxaan horjoogaa iskaa-tustada jooga qofka ka dheer ee ku ligan gidaarka. Waxaan rabaa inaan is arko. Saw lama odhan iyadaa iskaa tusi? Kolba dhinac ayaan isku malmalaa. Aad baan u eegaa dhankay iga xigto.…

  • Tan iyo markii aan bilaabay qormooyinka sannadlaha ah ee akhrisyadayda qaar ka mid ah (2014, 2015, 2016, iyo 2017), waxa igu soo noqnoqonayey faalooyin daaran dareenada togan ee laga qaatay. Guud ahaanba nolosheena hadda waxa aad looga dareemaa baahida bulshadu u qabto waxtar uu qofba meesha uu ka haqabtiri karo kaga aado. Waana isla dareenadaas…

  • Saddexdii sanno ee ugu dambeeyey (2014, 2015, 2016) ayaan mid kasta soo qorey bilowgii sannadka cusub qaar ka mid ah buugtii aan akhriyey kalkii hore. Kalkan waan la raagey. Saaxiibo dhaw oo saaxiibtinimadayada ay weheliso akhris jacaylku dib u dhacaas way ka xumaadeen, wayna i dareensiiyeen. Mid ka mid ahi wuxuu igula kaftamay, “Durba sawdiga…