Tag: Qiimaha Akhriska
-
Kooxda Akhriska ee Qalin-Leef: Warqad Furan
Akhrisku marka hore waa qiraal… Waa qirashada in aanad ku kaaftoomayn… Waa bu’da ahaanshaha aadamaha oo ah ku dhiman, baahiyo badanna leh. Dhanka kale, akhrisku waa rajo. Waa rajada aad ka qabto in waxaas kaa dhiman laguugu yaboohi karo… Ugu dambeynta se, akhrisku waa buuxinta muggaaga qof ahaaneed. Waa u tebinta wixii aad ka korodhsatay…