Murti & Wisdom والحكمة

Category: Uncategorized

  • Akhriskii Kal Hore: 2018

    Tan iyo markii aan bilaabay qormooyinka sannadlaha ah ee akhrisyadayda qaar ka mid ah (2014, 2015, 2016, iyo 2017), waxa igu soo noqnoqonayey faalooyin daaran dareenada togan ee laga qaatay. Guud ahaanba nolosheena hadda waxa aad looga dareemaa baahida bulshadu u qabto waxtar uu qofba meesha uu ka haqabtiri karo kaga aado. Waana isla dareenadaas…

  • FARRIIN KU SOCOTA MADAXWEYNAHA LA DOORTAY

    Wq Maxamed Saleebaan Cumar Qormadan Maxamed kula talinayo Madaxweynaha La Doortey waa miid. Waana mid ii taabanaysa si heerar kala sarsarreeya leh. Waa mare saaxiibkay danta qaranka weeye wuxuu odhaahdiisa ka dhiibtay isagoon qool ku xidhnayn. Dabcan way muuqataa in hawraartiisa ay muunadaysay taageeradiisu laakiin ayna sargoyn. Mar labaadka, waa qormo muujinaysa sida duruufaha hortaagan dawladda…

  • Bilan

    Gegeda diyaaradaha ee Nayroobi waxaan beri kula kulmay qof iga yaabshay. Waxay ahayd hiirtii waaberi; shantii iyo badhkii subaxnimo. Waxaan u soo kallahayey Hargeysa. Safka waxa iga horeeyey dad badan oo ay ku jirtey gabadh ay la socdeen dad aan is idhi waa ehel ama asxaab. Qaarkood ayaan u qaatay inay waalid u yihiin ama ugu…

  • Bakayle Iyo Diin

    Beri hore waxay jirey bakayle. Bulbullayaashu waxay baradooda kula noolaayeen diin. Bakaylaha kii ugu weynaa ayaa maalin shiriyey rayidkii. Wuxuu ugu baaqay nolosha in wax laga bedelo. Wuxuu yidhi: Bakaylow, maanta saw ma dhamid? Yar iyo weyn, indheergarad iyo culimo, rag iyo haweenba, ma cid baa kaa maqan? Nin weyni waayihii sheegye, diinkan agtiina daaqa…

  • The Day Of Somaliland Students Died Young: Any Hero To Revive?

    Today, I came across this article which I wrote in May 2006 in protest of the abolishment of university student committees or unions which led to the death of the Day of Somaliland Students. After seven years, I still feel this and dread the passing of every May 2nd that I do not hear students…

  • Dhal, Dhin ama Dhufaan: Adi Lee Waaye!

    Doodda ay curisay qormadii Axmed Deeq ee Ubad badan uma baahnin, waa mid xiiso badan ku dhexfurtay saddex-xagalka adeegsiga aqoonta, caqliga, iyo diinta. Waxa xiisahayga balbaliyey intaan laga qorin iyo cidda aan ka qorin. Halkaasaan is leehay, intii Eebbe karti kuu siiyo, ku dar. Aadamigu dheeli ma waayo. Arrimaha nolosha ee murugsani waxay ku dhaliyaan dadka…

  • A Tale of Three Journeys

    Dedicated to my sister, Hamda Nasiya, and the other sisters who are fighting for justice, enlightenment, and development one girl at a time. They are the inspirations under our noses we keep missing. History is interesting until you have to take a test or, worse, until you have to face the daunting job of weaving…

  • Meherkaagii Hoo

    Qormada Aamina Muuse Weheliye ee magaceedu yahay Meherkayga i sii waa qumbulad ku dhex qaraxday bulshada Soomaaliyeed wakhti ku haboon. Halkan anigu dib ugu celin maayo wixii Aamina sheegtay, laakiin waxaan jecelahay inaan ballaadhiyo soohdinta ay ka hadashay. Ballaadhintaasi waxaan u arkaa inay lama huraan u tahay helitaanka qoys wanaagsan oo unug u ah bulsho isku…