Murti & Wisdom والحكمة

Category: Social Animal

  • Anshaxa 2020ka

    “Xaawalayda hanad iyo Nin ragaa xurmeeyee Xaflad laysu wada yimi Xuural cayn gashaantiya Nin xor ahi kabtiisiyo Xaglo guna ma saaree Uma quudho xanaftee” Maxamed Cumar Mutanabi   Caawa waxaan arkay muuqaal aad ii gilgiley. Waa muuqaal, sida aan is idhi isla markaana loo soo bandhigay ay tahay sidii lammaane reer wada dhisanaya oo aroosku…

  • Akhriskii Kal Hore: 2016

    Akhriskii Kal Hore: 2016

    Inaad qotadooda hoos ugu degto iyo baaxaaddooda jibaaxdo waxay ku kala xidhan tahay kolba waxaad ka rabto – taas oo aniga iyo cid kale toona akhristaha u go’aamin karayn.

  • Qabyaalad: Yeedhan Mise Yuusan?

    Dhacdada Burco ee isgaashaanbuuraysiga labada beelood ma aha wax dadka hore uga qarsoonaa. Beelaha siyaasadda iskugu hiilinayaana maanta ma bilaabmin. In la sheego waxa la is odhan karaa wixii hoos aan u wada ogeyn ayey kor u qaadeen. Dad badan markaasay la urtey. Urta dhabta ahi waa in wakhti omos ah, oo dad iyo duunyaba halis ku…

  • Kooxda Akhriska ee Qalin-Leef: Warqad Furan

    Akhrisku marka hore waa qiraal… Waa qirashada in aanad ku kaaftoomayn… Waa bu’da ahaanshaha aadamaha oo ah ku dhiman, baahiyo badanna leh. Dhanka kale, akhrisku waa rajo. Waa rajada aad ka qabto in waxaas kaa dhiman laguugu yaboohi karo… Ugu dambeynta se, akhrisku waa buuxinta muggaaga qof ahaaneed. Waa u tebinta wixii aad ka korodhsatay…

  • Meherka Masjid lagu Qabto Maxaa laga Wadaa?

    Berigaas na yaabkaas ayaa taagnaa: kitaab aan la isbarayn oo la isku mehersanayo dad badan way ka yaabeen. Imikana masjid la isku mehersado oo aan dhaqaale lagu dhawrayn, meher markiisa hore ba anshax lahaana lagu qabanayo.

  • Badbaadiyaha Bedqaba

    Waxa aan iyaga la hadalhaynba wixii anshax qulquley – ama dalka ha weydaartaan, ama goleyaal gaar ah uun ha weydaartaan e. Sida laga soo weriyey dadkii hore, wejigu wuxuu ahaa baasaboor meel walba lagu maro. Haddana waxa la werinayaa in baasaaboorku yahay wejiga meel walba lagu maro. Sida se wejigu ugu guurey baasaaboorka, ama baasaboorku…

  • Tilmaamaha Maalmaha

    Guud ahaan, dunidu waxay isla aqoonsan tahay jiritaanka toddoba maalmood. Af walibana wuxuu u leeyahay magacyo uu u kala yaqaan toddobadaas. Afka Soomaaliga ah, sida Boobe Yuusuf Ducaale kasoo weriyey Allaha u naxariistee Xasan Sheekh Muumin, waxay ahaayeen inagoo isugu xijinayna siday maalmuhu isugu keen xigaan: Koobin (Axad), Lammin, Lamtoka, Koodaar, Hakisa, Hakis-Bila, iyo Soo-Roga…

  • Shawr: Tol Waa Tolane

    بسم الله الرحمن الرحيم    وَقَالَ ارْكَبُواْ فِيهَا بِسْمِ اللَّهِ مَجْرَاهَا وَمُرْسَاهَا إِنَّ رَبِّي لَغَفُورٌ رَّحِيمٌ  “wuxuuna yidhi ku kora Magaca Eebe oy kuna socon kuna joogsan Eebahayna waa dambi dhaafe naxariista.” Aayadda 41aad ee Suuradda 11aad ee Huud. [1]   Dadka badankii siday ugu adag tahay muddeynta isbedelka aaraa’dooda ayaan la wadaagaa. Sidaas darteed, waxaan isku dayi…

  • No Reason To Blame

    If I not part of your toilGrowing seeds in the soilAnticipating as fruits coilI have no reason to blameIf you think I am that lame 

  • Cadan

    Maansadan waxay ka dhalatay rabshadihii beriga dhawayd ka dhacay Cadan oo ay joogaan Gacalisadayda Aniisa Axmed Cumar iyo Curadayda Yaasmiin Mukhtaar Xasan dhammaadkii bishii lasoo dhaafay ee 12aad sannadka 2013.  Heesba waxaan u daayey Waxaan durbaanka hooyey Ee dabaaldegii hagaasiyey Waa dabkaa Cadan haleelay Hubkaa iyo qaraxa dayaamay Halbawlaha daabka saaran Beerka hantaaq la diidey…

  • The Day Of Somaliland Students Died Young: Any Hero To Revive?

    Today, I came across this article which I wrote in May 2006 in protest of the abolishment of university student committees or unions which led to the death of the Day of Somaliland Students. After seven years, I still feel this and dread the passing of every May 2nd that I do not hear students…

  • Kala Duwanaanshuhu Waa Dahab

    Ku: Golaha Tifaftirka Weedhsan.com Ujeedo: War-Murtiyeedka Doodda Dhasha iyo Dhaqaalaha Mudane, Marka hore iga guddoon salaan la mid ah tii aad war-murtiyeedka ugu soo gudbiseen ka qaybgalayaasha dooda Dasha iyo Dhaqaalaha. Waxaan idiinka mahadnaqayaa sida dulqaadka leh, kartiduna ka muuqato ee aad doodaas usoo gudbinayseen. Waxa xusid mudan sidaad u fududeyseen u kala socdaalka aragtiyaha kala duwan…

  • Dhal, Dhin ama Dhufaan: Adi Lee Waaye!

    Doodda ay curisay qormadii Axmed Deeq ee Ubad badan uma baahnin, waa mid xiiso badan ku dhexfurtay saddex-xagalka adeegsiga aqoonta, caqliga, iyo diinta. Waxa xiisahayga balbaliyey intaan laga qorin iyo cidda aan ka qorin. Halkaasaan is leehay, intii Eebbe karti kuu siiyo, ku dar. Aadamigu dheeli ma waayo. Arrimaha nolosha ee murugsani waxay ku dhaliyaan dadka…

  • Midho iyo Maamuus

    Bulsho kasta, tarxumaa ku jeclaysiin; tarsamena wuu ku nacsiin. Xumaha iyo samaha ku ladhan tarku waa sifaha tayo ama tiro ee ay leeyihiin bulshadaas labkeeda iyo dhedigeedu. Bulshadu waxay ku wada nooshahay taranka, mid bidhiiqiya iyo mid badsadaba, mid wanaajiya iyo mid wakiyaba, ay isku biirshaan xubnaheedu. Sidaas darteed, caqliga caadiga ahi wuxuu ku siinayaa…

  • Bitter & Sweet: Qaasimi Flavor of Leadership

    By Hamse A. Khaire abdeeq2005@hotmail.com Literature, according to some, is an honourable appreciation of tragedy. Leaders inspire their followers not only away from tragedy but also into utopia. Hamse helps us to appreciate Qaasim’s poem in light of the duality of unity or, maybe, the multiplicity of unity. More importantly, he unshackles us from the…

  • Somaliland Local Governments

    Abdirahman Adam Mohamoud Most of us questioned the value of local elections over nominated commissioners. Abdirahman shows us councillors have done more than we think and less than they could.  This digest, whose original full version is available here, demonstrates why local elections matter – for your health, income, and development – more than helping a political…

  • Beri Waa Goorma?

    Bilowgii 2010ka ayaan ku qoray magaasiin ay leeyihiin Y-Peer qormo kooban oo ka hadlaysa dhallinyarada iyo ka qaybgalka siyaasadda, anigoo isha si gaar ah ugu hayey da’da iyo siyaasadda. Haddaba imika oo laga joogo laba sannadood, waxaad moodaa in wax iska bedeleen waayihii aan ku qoray qormadaas. Markaad eegto musharixiinta goleyaasha deegaanka ee Somaliland, waxa kusoo…

  • Guryo-Noqoshadii Qaysar

    Qaysar wuxuu kusoo beegmay goor jabhad ka mid ah kuwii uu hogaaminayey dilayo saaxiibkii. Waa mar la legdaday saaxiibkiisii dad ugu dhawaa. Wuxuu dhuftay jabhadkii isagoo ku qaylyay. Hadal laguma soo celin. Jabhadkiina wuu kasii jaqaafiyey. Labadii saaxiibada ahaa ayaa isku keliyeystay. Gacantuu u fiiqay saaxiibkii si uu dhulka uga soo kiciyo. Saaxiibkii wuu soo…

  • Corruption: A Socially-Transmitted Disease

    The word, corruption, occupies the lines of newspapers throughout the globe not for the sake of adoration, but for condemnation and disdain. It is a human suffering and atrocities; yet, it is committed by humans. It is an act no one pleases to be associated with, though only a tiny minority manage to be clean from…

  • The Incongruous Mediators

    Saeed Ahmed Mohamoud Hargeisa, Somaliland saeed_mohamoud@yahoo.com This article, written in a time when Kenya is trying to show the world its commitment to install viable state in Somalia (just at the start of the Imbagati Conference), delves deep into the way Kenyan Authorities treat, or more accurately, mistreat the Somalis doing business or whatever in…