Category: Falgalka Buugta
-
Akhriska Kalkan: 2019
Kani waa taxayga sanadkan. Iyadoo ay ku xidhan tahay helitaanku, qaar ayaa laga saari karaa, kuwa kalena waa lagu soo kordhin karaa. Waa uun tallaabo hor leh oo ka duwan tii awal oo isu dayeysa in inkastoo aanad sheeda ka wada dooran karin sanadka akhriskiisa haadda buugta loo helayo awgood, haddana in uun la isku…
-
Akhriskii Kal Hore: 2017
Saddexdii sanno ee ugu dambeeyey (2014, 2015, 2016) ayaan mid kasta soo qorey bilowgii sannadka cusub qaar ka mid ah buugtii aan akhriyey kalkii hore. Kalkan waan la raagey. Saaxiibo dhaw oo saaxiibtinimadayada ay weheliso akhris jacaylku dib u dhacaas way ka xumaadeen, wayna i dareensiiyeen. Mid ka mid ahi wuxuu igula kaftamay, “Durba sawdiga…
-
Akhriskii Kal Hore: 2015
…qiimaha akhrisku kuma jiro tirada ee waa tayada; kuma jiro intaad garatay ee waa intaad guddo; kumana jiro intaad ku xidhan tahay aragti iyo qof ee waa intaad u xalan tahay aragti iyo qof cusub.
-
Sixid iyo Cudurdaar: Gorfeyntii Hal Ka Haleel
Dhawaan mar aan akhristayaasha la wadaagay qormada magaceedu yahay Gorfeyn: Hal Ka Haleel oo sida magaca laga dhadhansanayo ah gorfeyn aan ku sameeyey buugga uu ka qoray Maxamed Baashe X. Xasan abwaanka Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi), waxaan ku sheegay anigoo sideeda usoo xiganaya intan oo qaldan: “Waa halkii Hadraawiye, “Dadkaa wax lagu yahay.”” Ereyada aan u…
-

Gorfeyn: Hal Ka Haleel
Suugaanta cuddoon waa mid la socota, aan se la joogsan, xilligeeda. Waa daahrogga dhabta ku dahsoon dhalanteedka joogtada iyo joogtaynta qulqulatada nolosha.
-
Akhriskii Kal Hore
بسم الله الرحمن الرحيم (اقْرَأْ وَرَبُّكَ الأَكْرَمُ(٣) الَّذِي عَلَّمَ بِالْقَلَمِ (٤ عَلَّمَ الإِنسَانَ مَا لَمْ يَعْلَمْ (٥ Akhrisku wuxuu ugu jiraa dadka Muslimiinta ah kaalin aan mudankeeda lasoo koobi karin. Waxaan shaki ku jirin amarkii ugu horreeyey, iyo ereygii ugu horreeyey, ee xagga Eebbe uu uga keenay Jibriil (NKHA) Nabi Maxamed (NNKHA) inuu ahaa “اقرا” oo…
-
Gorfayn – Ku Saabsan Qorista: Sooyaalka Xirfadda
Hordhac Qoraalku mar waa sooryo. Maankaaga aragtiyaha ku cukan iyo warka ceegaaga markaad qalinka ku dareeriso waxaad ugu talogelaysaa waa inaad ku soorto akhriste jooga meel kaa duwan miley kaa duwan. Waxaad u tebinaysaa fallaadho dareen sida oo turqa maankiisa, ruxa qalbigiisa ama gariiriya ruuxdiisa. Gujada waxaad ka wadaa inuu wax ka bedelo falkiisa joogto…
-
Jaadadka Keligii-Talliyaha Reer Afrika
Saddexlayda (trilogy) Jaadadka Keligii-Talliyaha Reer Afrika waa hawl ballaadhan oo Nuuradiin Faarax ku koobay saddex buug hirdanka dhexyaala keligii-talliyaha iyo bulshada uu u talliyo. Saddexdaas buug oo mid kastaa ka hadlayo siday isula falgaleen keligii-talliyaha iyo qoysaska ama shaqsiyado cayimani isla markaana iskugu soohmeen halganka ay ugu jiraan inay difaacaan ama dumiyaan nidaamka keligii-tallisnimo, qaarkood…
-
Macno-Goobista Dadka
Magaca Buugga: Man’s Search For Meaning “Macno-Goobista Dadka” Magaca Qoraaga: Victor E. Franklin “Fiktor Faranklin” Daabacaddii: Beacon Press Turjumistii: Ilse Lasch Sannadka Daabacaadda: 2006 (Ugu horreyn wuxuu buuggani kusoo baxay Af-Jarmal sannadkii 1959kii) Bog-tirsi: 163 Xaamud waa nin fiiro dheer ku darsaday joogtaynta in indhihiisu u furnaadaan la’yaabka dunidda. Maalinba mid ka tilmaamane, wuxuu maalin igaga…
-
Feedh Qalloocan Mise Bulsho Qalloocan?
Magaca Buugga: From A Crooked Rib “Ka Timid Feedh Qalloocan.” Magaca Qoraaga: Nuuradiin Faarax Daabacaddii: Penguin Sannadkii la qoray: 1968 Bog-tirsi: 163 Buuggan kor ku xusan oo ah male-awaal wuxuu qoraagu inagu guddoonsiinayaa sheekada Ceebla. Ceebla waa gabadh ku dhalatay oo ku barbaartay miyiga ilaa awowgeed oo ahaa cidda qudha ee nolosheeda go’aamisaa uu guurkeeda u qabanqaabiyey…
