“Xaawalayda hanad iyo
Nin ragaa xurmeeyee
Xaflad laysu wada yimi
Xuural cayn gashaantiya
Nin xor ahi kabtiisiyo
Xaglo guna ma saaree
Uma quudho xanaftee” Maxamed Cumar Mutanabi
Caawa waxaan arkay muuqaal aad ii gilgiley. Waa muuqaal, sida aan is idhi isla markaana loo soo bandhigay ay tahay sidii lammaane reer wada dhisanaya oo aroosku cagtiisa oo kabtii xidhan dulsaaraya jilibka aroosadda oo kadaloobsan. Judhaan isha ku dhuftayba garan waayey wax aan u qaataba! Tixda kooban ee aan qayb ka mid kor ku xusay ayaan ku qabowsaday. Hase yeeshee waxa aan dareemayaa in ereyadan kooban ee tixdu faahfaahin u baahan yihiin si dadka badankoodu u arki karaan waxa meesha yaal. Muxuu sawirkani ii gilgilayaa?
Ugu horrayn, gobanimo, baarinimo iyo raaliyonimo ku jirtaa ma jirto in barxad intii loogu jeclaa joogaan aad kabtaada saarto boqoradda aad haween oo dhan kasoo xulatay ama aad ka ogolaato in uu kabtiisa ku saaro boqorka aad rag oo dhan kasoo xulatay. Midkoodna sharaf uguma jirto. Dhanka kalena, kuwa ay gacaltooyada bideen ee ku sawiraya sidan oo kalena uguma jirto wax wanaag ah inay faafiyaan muuqaal lammaanaha aan ka bixinayn sawir haboon. Inteenan kale ee kula kulmaya muuqaaladan baraha bulshadana inaad nacdal ku faafino muuqaalkan iyo inaan ku af-gaabsanno “Iyadaa raali ka ah,” “Doqoniimo,” ama erey kale toona la inooga roon. Maxaa ka xun inaad noqoto ka faafinaya wixii aad diidaysay?
Dhanka lamaanaha, waxa lamaane u dhexeeya ee gurigooda ku eg in aynu hadalqaadno ma aha. Lamaane gurigooda fadhiya haddii midkood ka kale lugta saarto wax kasoo qaad ma leh. Waxay ugu dhawrsoon tahay xurmada guriga iyo kalgacalkooda. Waxa kale ee la odhan karaa, sidii dhaqanka Soomaalidu ahaa, “Naaska gabadh walaalkeed taabtaa waa hadba waxay ka dhigato.” Macnaha, waxyaalaha dhex mara labada isu dhaw, afo iyo ninkeeda tusaale ahaan, waa hadba sida ay ka dhigtaan marka ay gurigooda joogaan. Naxariista u dhaxaysaana way keenaysaa in midkood kabta u qaado ama u masaxo ka kale. Nin kasta oo qoys soo marayna wuu garanayaa wax aad uga wasakh badan kabta sawirka ka muuqata oo qofna cid kale ka yeeli karin in uu ka ogolaaday lammaanihiisa.
Wixiise bannaan lala yimaado ee bulsho hortood lagu sameeyo way ka duwan tahay. Anshaxa guud ee bulshada ayaa lagu eegayaa mar haddii ay dhawrsoonaantii iyo xurmaddii hoygooda ay la soo dhaafeen. Sidoo kalena, waxa uu anshaxa bulshadu ogol yahay in farxadda xilligan awgeed, gefafka fudfudud ee ka dhaca lamaanaha loo cudurdaaro. Yaan la ilaawin in ay tahay sabab haboon ta keenta inaynu ugu yeedhno lamaanaha Boqor iyo Boqorad – illeyn xeerar badan ayeynu ka cafinaa oo aynaan u qaban maalintaase! Ilamana haboona in aynu faafino wixii ay seegaan xilliyadan oo kale, gaar ahaan marka aan laga yaabayn in lagaga daydo. Waana sababtan dambe ta keenaysa inaan ka hadalno.
Anshaxeenu meel adag ayuu ka joogaa cagta, iskaba daa kab’e, in qofka lagu fiiqo, iska daa in la dul saaree. Waa sababtan ta keenta in marka aynu cid xurmo weyn inagu leh, sida waalid oo kale, marka aynu ku gefno uga dhunkanno cagaha – waxaan samaynaa waa wixii aan inaga suurtogalayn si aan u tusno cida aan raaligelinayno sida aan uga xunnahay dhacdada.
Sidaa darteed, Boqorka iyo Boqoradda, waa haddii aynu weli ugu yeedhi karno ereyadaase, waa u ceeb sidani. Haddii uu isleeyahay ha lagula arko gabadha aad soo xeraysay raalinimadeeda, ama sida ay kuu dhegaysanayso ama ay kaaga amar qaadanayso, halkani intaa midna inooga sheegi mayso, umana baahna in la inoo sheego. Markay ugu yar tahay waxa uu ninku u muuqanayaa in uu dadka ka marag gelinayo xulashadiisa, sidii uu dadka ka raadinayo in ay ugu garaabaan xulashadiisa. Si kale haddii loo akhriyo, waa in aanu xulashadaas ku kalsoonayn! Markay ugu daran tahayse waa inuu ina tuso sida uu u adoonsaday. Si kale haddii loo akhriyo, ma aha boqorad iyo gob cida uu guursanayo, ee waa adoon (sharaf uga kordhaysa inuu nin addoon xeraystana, garan maayo!).
Dhankeeda haddii ay isleedahay ku muuji baarinimada lagugu barbaarshay iyo sidaad raaliya u tahay kabaha oo ay oogadeeda ku saarto bulsho horteed, nasiibdarro, inoo muujin mayso. Markay ugu yar tahay waa inay iskeen tusayso. Si kale haddii loo akhriyo, waa inay dadka ku beerayso humaaga waxa ay diyaar ula tahay ninkeeda inkastoo laga yaabo in aanay gurigeeda dhexdeeda, marka ay keli labadoodu isku yihiin, u samayn sidaas – garo halkani waa si aan ugu maragfurno. Markay ugu daran tahayse waa in ay ina tusayso in in loo dulloobo jaceyl dartii tahay lama huraan ama halka ugu sarraysa ee aadmiga jacaylku ka gaadho. Si kale haddii loo akhriyo, waa afeef ay ka sii dhigaynayso ninkaasi inaanu beri ka maalin ka eed sheegan jacaylkeeda iyo dhaqaalaynteeda toona, mar haddii ay dad hortii ugu jilba-joogsatay kabtiisa awgeed!
Inkastoo dhacdadani qoraalkan igu dhalisay, haddana ma aha arrinta keliya ee la saluugi karo ee ka dhex dhaca lamaane cusub oo reer yagleelaya. Lamaanahanina ma aha kuwa keliya ee sameeyay wax ku qaloocan anshaxa guud. Sidaan kor ku sheegayna, waa in aan u qarino wax badan oo ay seegeen. Cida koowaad ee xilkaasi saaran yahay waa cida ay gacaltooyada ugu martiqaadeen xafladooda. Nasiibdarraduse waxay tahay inay nool yihiin lamaanahani xilli Faydan ah. Haddii arooskani ahaan lahaa sideetameeyadii ama sagaashameeyadii, sawirka lamaanaha laga soo qaaday kuma aynaan aragneen meel ka sokaysa gurigooda. Inteena aan ka qaybgelin, weliba aniga iga bilow, lagama yaabo inay arkiba lahaayeen mar haddii ayna lamaanaha aqoon toos ah u lahayn. Faydanta xilliganise waa taa keenaysa, si aan arxan lahayn, in loo baahiyo wax yar oo kasta oo ay sameeyaan – ha qumanaato ama ha qaloocatee – iyadoon laga eegin saamaynta ay ku keeni doonto laba dhallinyar ah oo markay falkaas samaynayeen aan ku baraarugsanayn saamayntiisa.
Anshaxa Internetku inooga baahan yahay kuma eka oo keliya intan aan ka hadalnay. Nasiibdarro, maalin walba tijaabo adag ayuu ina mariyaa in aynu ka adkaysano waxaan inoo haboonayn iyo in kale. Haweenka qaar waxay soo dhigtaan muuqaal haween kale iyagoo u arka koodu inuu cawro yahay. Waxa aanay naftooda la jeclayn, lama ay nicin hablahaas kalena – mise qofka aan la garanayn qof ma aha? Ragga qaarna qof ay isdiideen dacwaddii ay u qabeen ayey soo dhigaan iyagoo rajaynaya in lala wadaago aragtidooda iyo in lagula oriyo qofka maqan – hadda waa qof arrinta ay ku haystaan ay si toos ugala hadli karaan ama asxaab iyo maxkamad dhexdhexaadisa ay helayaan. Sidaas ayey inagu geliyaan cidhiidhiga ah in qofkii sokeeyaha ahaa aynaan ku diidi karin garawshiiyaha (maxay kale ayaad u tari lahayd?) uu inaga naawilayo inagoo markaasna ku tumana kii inaga maqnaana cadaaladii uu xaqa inoogu lahaa. Labada jeerba, waxaynu la baaxaa-degaynaa imtixaanka joogtada ah ee anshaxeena ku socda inta aynu ka dhex baadhanayno xogta iyo xidhiidhka aan ka rabno baraha bulshada.
Anshaxan aan ka hadlayno way ka baxsan yihiin dadka la dulmo. Sida laga fahmayo Quraanka, Eebbe ma jecla muujinta xumaha qof la dulmayo mooyee (An-Nisaa, 148). Dulmigaasi wuxuu noqon karaa mid wax uu gaar u leeyahay qofka laga dulmo. Waxa kale ee uu noqon karaa wax dadka u dhexeeya oo uu qofku gar ah u lahaa inuu helo, sida cid kastaba, oo loo diido. Laakiin dadka haya xil umada u dhexeeya ee lagaga hadlayo baraha bulshadu waa qayb ka mid ah la xisaabtanka cidii ammaanada haysay. Taasi kama dhigayso xalaal in wax kastaba laga sheego. Waxaan xaq ugu leenahay uun waa in ay ku ekaato faaladu isla markaana ahaato run; wixii aan khusayn ammaanada ay inoo hayaan iyo ilaalinteeda iyo wixii aan run ahaynba, waa inaan lagu mashquulin. Waa xaq-shaqsi.
Gebagabadii, intii la faafin lahaa muuqaal laga yaabo inay saluugaan wakhti dhawba cidii duubtay iyo cidii gashayba, waxa igala haboon in laga adkaysto. Xilligan Faydanta, waxay u baahannahay anshax u qalma oo waayahan la socda. Inkastoo mabaadii’da anshaxu yihiin kuwii hore ee dhaqankeena iyo diinteenaba ku jirey, haddana 2020ka waxaan u baahannahay waa mid la jaanqaadaya duruufihiisa gaar ahaaneed. Waxa ka kow ah inaan ogsoonaano silansuganta baraha bulshada: baahin iyo cimri-dherer waxa ugu filan wixii aad diiday muujinta diidmadaada!

Leave a comment