Gegeda diyaaradaha ee Nayroobi waxaan beri kula kulmay qof iga yaabshay. Waxay ahayd hiirtii waaberi; shantii iyo badhkii subaxnimo. Waxaan u soo kallahayey Hargeysa.
Safka waxa iga horeeyey dad badan oo ay ku jirtey gabadh ay la socdeen dad aan is idhi waa ehel ama asxaab. Qaarkood ayaan u qaatay inay waalid u yihiin ama ugu toosan yihiin. Gabadhu aad bay u sheekaynaysaa. Furfurnaan, dhoolacadayn, iyo sheeko ayaa sheeda iiga muuqday.
Xiliga, intani iyo meeshu isma laha. Safaro badan oo aan galay waxaan ka bartey in dadku ka hadal yar yihiin subaxa hore barqada iyo gelinada dambeba. Waxa kale oo safarku i baray in dadku hadal yar yihiin inta baadhitaanada ama xadhko xidhashada ay ku jiraan. Xiligaa iyo meeshaas dad yar ayuun baa sheekayn kara; intooda si firfircoon u sheekayn kartaana kasii yar.
Baadhitaankii ayaan ka soo gudubnay. Welina meel aan iga fogayn ayey iiga muuqataa. Way sheekaynaysaa. Way qoslaysaa. Way dhoolacadaynaysaa. Way farxaysaa. Way ka farxinaysaa. Indhahooda iyo dhegahoodu halkeeda ayey ku wada maqan yihiin. Iyadna way sooryeysaa. Kuweedana way u soortaa.
Doob iska af dheer e, waxaan goostay inaan la hadlo. Weliba wax qiimo leh idhaa. Qof aanad garanayn sideed hadal ula bilaabi? Maxaad ku garanaysaa waxa qiimo u leh? Markaad erey qiimo leh tidhaana, maxaa xiga? Oo maxaa kaaga gidhiish ah wixii xigi? Timaadadu ha timaad.
Afkeeda waxaan ka dhadhansaday in ay koonfur ka soo jeedo. Yaa u weynaayo erey hee!
“Walaal salaama calaykum?”
“Wa calaykum wa salaam…”
“Inan fiican baad u egtahaye, ma reer Muuqdisho ayaad tahay?”
Waxaan ka cabsi qabaa inay arki weydo ogaanta aan magaca magaalada u bi’iyey. Waan arkayey kaftankeeda, muuqeeda; caqligeeduna tolow sidaas ma u bilan yahay oo ma carbisan yahay?! Hoos baan isu weydiinayaa. Iyadana wejigeedii muusoonayey ayaan mid kale oo muusoonaya la horjoogaa.
“May walaal. Halkaas kama imaan.”
Aayarka ay ii tidhi waan garan waayey meel aan u qaado. Way seegtay ayaan is idhi. Waan ka xumaaday. Lama jeclaan kaftan hoosaadkaas in ay seegto. Waan kala hanweynaa. Welise banka isma soo dhigin. Muusoodkaygii sidii qof wax dhursugaya ayuu halkiisii ku qombobsan yahay. Inay dareentay mooyi.
“Hee, haddaa intee?”
Waxaan ku sigtay inaan carabaabo afgurigeedan u eg kii Muqdisho. Imika se aayar aayar ayuu ii soo galayaa shakigii iyo cabsidii aan ka qabay in ay seegtay kaftankaygii. Xataa haddii aanay Muqdisho ka imaan, maxay u difaaci weyday magaalada? Mise iyada iyo Muqdisho wax baa kala maray? Dib u dhigo. Bal horta wax ha tidhaa. Markaasaa su’aalo yaalaan…
“Walaal waxaan ahay reer Muuqbisho!”
Qosol goosgoos ah ayaa iga soo baxay. Iyadna sidoo kale. Waxbaan qosolka isugu tebinay hadalku aanu qaadayn. Aniyo Bilan waan is afgaraney. Ma aha magaceeda, maxaadse u bixin lahayd?
Iyadna mawjadeedii iyo diyaaradeedii ayaa qaaday. Anna mawjadaydii iyo diyaaradaydii ayaa i qaaday. Dib il iskuma aanu saarin. Erey kalena ma wadaagin.
Bilan tolow ma nooshahay? Maalintaasna ma xusuusataa? Sumadlaawihii gegeda ay ku aragtay weydiintiisii ma garatay in uu ahaa waagaas doob daandaansigii mise murti ayey mooday? Malaha murti daandaansigu soosaaray ayey u garatay. Ma murti baa bilaa daandaansi ku timaad?

Leave a comment