Murti & Wisdom والحكمة

Sixid iyo Cudurdaar: Gorfeyntii Hal Ka Haleel

Dhawaan mar aan akhristayaasha la wadaagay qormada magaceedu yahay Gorfeyn: Hal Ka Haleel oo sida magaca laga dhadhansanayo ah gorfeyn aan ku sameeyey buugga uu ka qoray Maxamed Baashe X. Xasan abwaanka Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi), waxaan ku sheegay anigoo sideeda usoo xiganaya intan oo qaldan: “Waa halkii Hadraawiye, “Dadkaa wax lagu yahay.””

Ereyada aan u nisbeeyey abwaanka iyo abwaanka ereyada iska lehba way qaldan yihiin. Sida saxda ahi waa: “Waa halkii Cali Sugule, “Dadkaa geesi lagu yahay.”

Waxaan akhristayaasha ka raaligelinayaa khaladkaa dhacay. Waxana abaal badan uga hayaa Allaha ka abaal mariyee Mustafe Maxamed Khayre oo markii ugu horreysay igu baraarujiyey iyo Maxamed Baashe X. Xasan oo isaguna ii xaqiijiyey.


Comments

Leave a comment