Murti & Wisdom والحكمة

Shawr: Tol Waa Tolane

بسم الله الرحمن الرحيم   

وَقَالَ ارْكَبُواْ فِيهَا بِسْمِ اللَّهِ مَجْرَاهَا وَمُرْسَاهَا إِنَّ رَبِّي لَغَفُورٌ رَّحِيمٌ

 “wuxuuna yidhi ku kora Magaca Eebe oy kuna socon kuna joogsan Eebahayna waa dambi dhaafe naxariista.” Aayadda 41aad ee Suuradda 11aad ee Huud[1]

 

Dadka badankii siday ugu adag tahay muddeynta isbedelka aaraa’dooda ayaan la wadaagaa. Sidaas darteed, waxaan isku dayi inaan ka adkaysto, intaan karo, si kastooy gacanta iigu haadiso. Markanse waxaanan ka adkaysan karin in saddexdii sanno iyo badhkii ugu dambeeyey uu igu dhacay barobax. Kama barobixin oo keliya dhulkaygii iyo xussuustii aan dhisayey wakhtiga dheer, ee sidoo kalena waxaan ka baxay aragtiyo badan. Hore ayaan meel ugu arkay in Imaam Abu Xamiid Al Qasaali, oo noolaa hilaadii kun sanno ka hor, yidhi “Hantidaadu waa wixii kuu soo hadha marka markab kula qaraqmo.” Si kale haddii aan u dhignana, waa waxa kuu soo hadha marka aad cid waliba iyo noloshaada oo dhan aad ka dhaqaaqdo.

Dhaqaaqis waa tii aan guddoonsaday. Haddeedna, aragtidaydu ma ahaan sideedii.

Mid ka mid ah arrimahaan hoos u fayday waa kaalinta qabiilka ee bulsho horumar doon ah. Way adkayd inaan isha ku xadaba, laakiin way ka geyn weyday, macnaha “colka wadhaf ma lagu dayey.” Waxa si gaar ah u adkaynaya waa iyadoon ka dheregsanaa in qamaamuurtii suugaantu inagula dardaarmeen inaan ka fogaano qabyaalad – xusuuso gabaygii Cabdilaahi Suldaan Timacade (AUN):

  • “Dugsi ma leh qabyaaladi
  • Waxay dumiso mooyaane.”

Doc kastood iga qiyaastaba, maan ahayn kii faydi lahaa; haddana fayday. Waxaanan filayn ayaana iiga soo baxay. Imikana, halka shay ee qudha ee aan ka qoomamaynayo waa inaanan hore u faydin. Taas macnaheedu ma aha inay joogsatay macno-goobistaydii. Lidkeeda, waa inaanan hore u bilaabin raadcada.

Afeef

Qormadan waxay kusoo beegantay wakhti xiisad ka taagan tahay bartii aan ku dhashay ee gobolka Awdal. Waxa laga yaabaa in akhristuhu isweydiiyo inay qormadani si uun xidhiidh ula leedahay. Runtu waxay tahay, inkastoo aragtiyaha ku jira qoraalkani ka horreeyeen dhacdooyinka Awdal ka taagan maalmahan, in imika aan soo gudbiyo ayey keentay sababahan dartood.

Waa mare, saluuga ka muuqda dadweynaha reer Awdal ma aha dhalanteed siyaasadeed. Waa dhab. Kumana eka odayada soo gudbiyey. Waa mid simay dadweynaha; waa haddii beel wax keliya isku raacdo. Waxa lagu kala duwan yahay waa sida saluugaas loo samato-bixinayo. Badi waa laba kooxood: in leh aynu fursad siino garnaqsigeenii; iyo kuwa leh wakhtigii wuu dhacay. Aragtidayda, haddii aan wax laga qabanna, waxay u badan tahay in la isku raaci gadood gacan ka hadal leh, Eebbe ha inaga baajiyo’e. Taasaa keenaysa inaan ka aamusi kari waayo.

Mar kalena, tamar badan oo caqli, cudud iyo cuudba leh ayaa maalin kasta ku baxda xiisadan. Tu intaas ka badan ayaa ku bixi haddii heerkan ay kasii xumaato. Inkastoo indheergarad dhulka ka buuxaan, haddana waxaan filayaa inaan laga maarmayn dhalinyaro ka wada hadasha arrimahan. Haddiise sidii waraabaha iyo carruurta loo kala sheekeeyo dhallinyarada, waxaynu sugnaaba waa inay ta ugu xun ka dhex dhacdo, iyadna Eebbe ha inaga baajee. Haddii xataa maanta ayna dhicin, beriba odayada arrini u taalo saw waa dhallinyarada maanta ma ah? Maxaad beri filaysaa? Sidaas darteed, qormadani waa rajo, si kasta oo ay u adagtahay ama u fogtahay, laga qabo in qalinku baajin karo qoriga, in is-afgarad arrimuhu ku dhammaan karaan iyo in is-weheshiga walaalnimo ka wanaagsan is-weerarka.

Intii aan qorayey, waxa igu soo baxayey isdiidooyin badan. Isdiidooyinkaas waxa ugu weynaa mid i kala dooransiinaysay hadalka inaan saafo ama saro. Meeshii ay sarid ku filnayd, sidaasaan u daayey. Meeshaan lagu halayn karin saridna, waan saafay. Kumana xidhna inay cid u hiiliso ama ka hiiliso. Saafiddaas darteedna, waxaad filan kartaa ereyo aanad u baran; kuwo anigana aanad iiga baran. Dhankaaga, “Intaanad falin, ka fiirso.”

Qaramayn Qabiil Mise Qabyaaladayn Qaran?

Tan iyo intii ay qaalib noqotay habmaamulka dawladeed ee ku qotama qaran-qawmiyadeed (nation state), waxay dunida u saamaysay qaabab kala duwan. Dawladaha Yurubta, oo inta kale kaga cag-horeeyey qaab dawladeedkan, waxa u suurtogashay inay aad iskugu dhawaadaan qaranka iyo qawmiyadda qaranku wakiilka ka yahay. Laakiin dalalka u badan Afrika, ayaandarro, taasi uma suurtogelin ee waxa la isku lammaaneeyey qawmiyado badan oo qaran qudha wadaagay. Dalalka la is odhan karo way ka badbaadeen waa Soomaaliya iyo Botuswaana oo labadaba cidda degan ay yihiin qawmiyaddii oo badhax-la’ inkastoo ta Soomaalidu kasii duwanayd maadaama dadkeedii aanay ku dhammayn soohdinta qarankeeda. Taasaana keenaysay himiladii iyo raadcadii loo galay isku keenista shanta Soomaaliyeed ee hadhaysay siyaasadda Soomaalida badhkii dambe ee qarnigii tegay.

Sida awooda qaranka ay qawmiyaddu u qaybsanayso waxay ku xidhnayd cidba duruufteeda iyo aragtiyaha marba qaalibka ah. Halka dunida reer galbeedka ay tartanka kaga jireen xisbiyo badan oo aragtiyahooda dhaqaale, bulsho, siyaasadeed, iyo amni ay kala duwan yihiin uguna loolamayeen mayalhaynta bulshadooda, wadamadii shuuciga ahaa, sida Midowga Soofiyati, waxay lahaayeen hal xisbi oo keli ah. Qaar kalena, weli kama guurin boqortooyo qoys u taliyo dalka. Laakiin intii awoodaas Soofiyetigu meesha ka baxdayba, waxa yaraaday cidda lagula ciirsan karo aragti ka duwan ta galbeedka.

Waxa aragtiyahaas kala duwan suurtogal ka dhigayey waa kolba sida dunta bulshadu isugu tolan tahay. Inaga, macnaha Soomaali oo dhan, boqortooyo, xisbi ama xisbiyo badan toona inooma shaqayn, inoona shaqayn kari maayaan, ugu yaraan inta aan lagu xisaabtamayn dunta bulshadan. Sababta, marka sida ugu fudud loo dhigo, waa iyadoon xisbi ama xisbiyo toona aan qadarin badan bulshadani u hayn. Taas waxa kasii daran in uu soo baxo boqor dadka oo dhan isku raacaan maadaama aanay jirin xididka boqortooyooyinka: bulsho darajooyin iyo martabado ku kala sareysa.

Shirarkii nabadaynta ee beelaha Soomaalilaan galeen bilowgii ilaa badhtamihii sagaashameeyadii waxay ahaayeen kuwo qiimaha ay u laahaayeen nabadda la isla wada ogsoon yahay. Waxay ahaayeen madal dadku ugu wada hadlayeen si ay isla fahmayaan, “Reer hebel iyo reer hebel,” adeegsanayeen afkoodii, asluubkoodii, iyo geedkoodii iyagoo beegsanaya dantoodii. Waxa ku yaraa kasoo-dhexgale shaashaynaya. Inta kooban ee soo kala martay, nasiib wanaag, way maareeyeen.

Laakiin wixii ka dambeeyey shirkii 1996kii ilaa 1997kii ee lagu guddoonsaday in axdi qarameedka looga qalinjebiyo dastuur dhigaya nidaam saddex xisbi talada dalka majaraha u hayaan, waxa soo baxay qanac la’aan ku foogan isa-seega awoodii dalka oo loo qaybiyey xisbiyo iyo xisaabtankii beelaysnaa. Inkastoo lagu doodi karo inay siyaasadaysnayd, haddana waxaan la hilmaami karin in maalmihii ugu dambeeyey ee maamulkii Cigaal (AUN) xiisad adag oo shir-beeleed, lagaga dhawaaqay Burco, taagnayd. Waxa xusuus gaar ah u baahan in ciidamadii loo direy inay soo xidhaan oday dhaqameedka wakhtigaas lagu ilaalinayey guri Hargeysa ku yaal, oo uu lahaa suldaan ka mid ahi, ay ku kala qaybsameen iyadoo qaarkood amarkii loo direy iska diideen. Markii seetada labada dhinacba laga jiiday, askarigu wuxuu cadaystay halka uu daacadda u yahay.

Caqli kasta oo fayow wuxuu isweydiin karaa maxaa askarigu u raacayaa beeshiisa halkii ay ka ahayd inuu daacad u ahaado qarankiisa? Ugu yaraan, qaranku waa ka siiya mushaharka uu reerkiisa ku masruufo. Maxaa laga qaban karaa haddii uu xataa askarigu sidaas ku kacay? Ta hore jawaabteedu waxay u baahan tahay in laba qodob uu fahmo qofka caqliga fayow lihi si uu go’aan wax ku ool ah uga gaadhi karo caqligalnimada wixii askartaasi maalintaas ku kaceen. Waa marka horee, in askarigan maalintii shaqada la qorayey lagu qoray qaramayntii ciidan beeleedka; waa askari qabiilkiisa u metalyey qaranka. Waa marka labaade, ka mid ahaanshiisa ciidanka qaranka iyo rajada uu ka qabo derejooyin uu ku dhex yeesho kuma xidhna, sax iyo qalad ha joogee, kartidiisa shakhsi bas; waxay ku xidhan tahay oo kale sida beeshiisa iyo inta talada ciidanka haysa awooda u wadaagaan. Sidaas darteed, si beeshu uga madhnaato maankiisa ma jirto.

Arrintani gooni uma aha askarta, ee waa bulshada oo dhan. Intan dambe, waayuhu waxay marag ka ahaayeen in marka daacadnimada qofka ay u loolamaan qabiilka iyo isbaahaysiga xisbiga iyo dawladu, uu qabiilku hormarayey. Dareenka guud ee Soomaalilaan yaal waa in xisbiyadu soo nooleeyeen qabyaaladda. Lidkeeda: qabiilkaa nooleeyey xisbiyada. Si mid loo nooleeyo, waa in kaasi markiisa hore aanu noolayn ama jiri-jirin. Qabiilka iyo qabyaaladdu way jireen xisbiyada Soomaalilaan ka hor. Intaas waxa dheer, waxay ahaayeen qaabka awooda lagu qaybsado, lagu wada hadlo, lana isku aamino. Intii noolayd lixdameeyadii ha joogtee, xisbiyadu waxay inagu soo biireen qarnigan cusub. Sababtu kama dambayso natiijada; way ka horreysaa. Sidaas darteed, wixii dareen xisbi ah ee jira wuxuu ku yimid seeska qabiilka. Malaha qabiilku waa sharaxa qudha ee macquul ah ee loo hayo jiritaanka xisbiyada.

Dhanka Soomaalida koonfureedna waxa buuxa tusaalayaal noocaas oo kale ah ama ka daran. Inkastoo hoggaamiye-kooxeedyadii ka jirayey koonfurtu maanta ayna ku lahayn awoodoodii hore, haddana cidna dembigoodii looma raaci karo. Sidoo kale waxa aan suurtogal ahayn in lala xisaabtamo cid kasta oo gaboodfal ku kacday maadaama reerkii uun dabada la gelinayo. Siday bulshadeenu u habaysan tahayna, wax laga qaban karo oo kuu muuqanayaa ma jiraan. Waxaad ku khasban tahay inaad u garawdo Maxamed Xaashi Dhamac, Gaarriye, (AUN) oo, sidiisii, karah iyo ciil aad ugu dhawaaqdo:

  • “Uf qabiil anaa idhi
  • Waxuunbaa ku adeegta
  • Nin iskii kartidiisa
  • Isagoon cidna taageersan
  • Isku taagi karaynin
  • Una haysta ateero
  • Ayaantuu dembi geystana
  • Laga hoos galo eeda.”

Suugaantii iyo murtidii qarnigii tegay muggeedu, si looga baaqsado intaas kore, ayey iskugu dayeysay walaalaynta dadka Soomaaliyeed, marba heer ay joogtaba. Si taas loo helana, cadawga koowaad waxay u arkaysay wixii kala qoqobaya walaalahaas – waa qabiilka iyo qabyaaladda. Ogaalkayga kooban, way yar tahay, haddii ay jirtaba, aqoonyahanada doc kale ka eegay arrinta, ama, waa halkii Sayid Maxamed Cabdillee, galool ammaan ka dayey.

Gundhiga doodani waxay tahay in ilaa hadda aynaan la iman qaab dawladeed aynu fahmi karno oo aynu ku wada xisaabtami karno. Qaab dawladeed ciddii gaboodfal gaysata geedka keeni kara, weli ma aynaan helin. Waxa qudha ee aynu ku guulaysanay waa qabyaaladaynta qaranka laakiin maynaan qaramayn qabiilkii iyo qabyaaladdii toona. Ayaandaradda ugu weyni waa in qamaamuurta suugaanta, diinta, sayniska iyo waxgaradkii kaleba ay oodeen wixii dedaal aragtiyeed ee la gelin lahaa sida qabiilka loogu soo dabaalayo dawladnimada cusub.

Abaalka Qabyaaladda

Maankaaga waxa markaaba kusoo dhacaya, “Ma qabyaalad baa abaal leh?” Geesinimo ayey u baahan tahay in maanka loo furo daliilka hortiisa yaal iyadoon lagu wiiqayn sababo aan khusayn. Mana aha dhego-adayg mutuxan in waanidii ugu badnayd qarnigii tegay aynu maanta wax iska weydiino. Waalidkii inagu waaninayey iyo inaguba waxaan u jeednaa wax isku mid ah: reerkeena maxaa dan u ah? Saddex abaalba way leedahay.

Waxa la isku raacsan yahay doorka qabiilku ka ciyaaro caymiska xubnihiisa inuu yahay mid aan weli wax u dooriya lagu hayn geyiga Soomaaliyeed. Haddii dhib dhacdo, oo la kala qaadanayo mag ama mawlaxo, way ku adkaan lahayd in qof keligii bixiyo. Qabiilku culayskaas wuu wadaagaa. Malaha waxa ka sii culus in naftuna ku jirto caymiskan oo haddii qofka la soo weeraro qabiilku caymiyo amnigiisa. Waxa naf iyo maal kuu huraya waa rag qaarkood laga yaabo inayna magacaaga aqoon. Sida ciidamada dalka oo kale ayey dhankaas ka yihiin; laakiin xagga ciidanka dalku loogu guro cashuur joogto ah iyagu waxay kaa rabaan marka mid dhiban yahay adna inaad guddo abaalkii.

Qodobka labaad ee qabiilku saamayn weyn ku leeyahay waa dhaqanka istaageersiga iyo istoosinta. Qabyaaladdu waxay keenaysay in qof aanad garanayn u koriso ilmihiisa maadaama aad tahay tolka ugu dhaw ee magaalada jooga. Inta dugsiyo sidaas magaalada kaga baxday tiro beel weeye. Markii Muqdisho oo keliyi lahayd jaamacadda, dadka dhulka kale ka yimaadaa, marka laga reebo reero ladan oo yar, waxay ku tiirsanaayeen tolkood wixii ka degan magaalada. Intaas tol uunbaa laga helaa. Inkastoo tani istoosintu kugu adkaan karto, haddana daliilkeedu ma dheera. Weligaa ma aragtay nin afadiisa dhibay, ama ka qaybqaadan waayey aas loogu yeedhay (intaanay aasasku iibka gelin) oo inta la figeeyey geed qudhaan leh lagu xidhay? Haddeed uma dhaqmo sidii hore.

Tan ugu dambaysa, waxa dareen weyni igaga jiraa in waxa ugu qaalisan ee ahaanshaheenu inagu soo galay kuna nagaaday qabyaaladda – Islaamnimada. Sida raadadka dhulkeena laga helay muujinayaan, dhulkan waxa laga muslimay horraantiiba (bal si kale ku sharax Miskiidka Qiblataynta la yidhaa ee labada qibladood leh ee Saylac ku yaal!) Wax dagaalo lagu muslimiyey dhulkeena maynaan maqal. Dadkeenan xoolo-dhaqatada u badanina maynaan ahayn dad magaalo ku urursan. Waxaan ka ahayn in tolku is wacdinayey iyo xerihii dhulka dinaafayey oo sharax fiican ka bixin kara sida ummaddani u noqotay 100% Muslim bal ma haysaa? Bal ma isweydiisay sidaan uga badbaadnay wakhtigii dadka madaw la guranayey iyadoo meelihii lagu xidhxidhi jirey kuwa lasii wato qaarkood dhulkeena ku yaalaan? Haddii aad ka shakisan tahay in aynu ka badbaadnay, weli ma maqashay dad dunidan kale jooga oo soo galay wakhtigii adoomaha laga ganacsanayey oo sheeganaya inay Soomaali kasoo jeedaan? Xataa haddii Tuutsiga, sida la inoogu xidhiidhiyo aad qaadato, waxaanad jawaab waafi ah u helayn su’aasha ah haddii ayna ahayn dad iskood uga soo hayaamay dhulkeena, maxaa loo geysan waayey dhulkii galbeedka ee loo waday madawga badidiisa? Kelmadda maanta aadka loo caayo, gaar ahaan inta dugsiyada wax ku baratay u caayaan, ee ah, “Tolla’ayeey,” ayaa, malahayga, ahayd sida adigoo dunidan galbeedka jooga oo garaacay 911. Intaan ka bawsaday taariikhdu waxay sheegaysaa in ganacsiga addoomaha kaalin firfircoon ay ku lahaayeen boqoraddii Afrika ee wakhtigaas oo qaarkood dadkooda in la qafaasho ku doorsanayeen hub ama wax kaleba. Ninka Soomaaliga ah, aragtiday, ma lahayn cid gadaysa; haddii cid damacdo inay iska qafalaatana wuxuu lahaa gurmad uu wacdo – waa 911kiisa, waa “Tolla’ayeey.”

Haddaa, Maxaa Si Ah?

Marba haddii ayna inaga salguurin qabyaaladdii lagu soo dhaqmayey tan iyo waaqeen, sidee ayey taasi ula jaanqaadaysaa guddoonsigeena habmaamulka dawladeed ee casriga ah? Maxaa si ah? Ta hore ha joogtee, ugu yaraan dhanka Soomaalilaan, afar baa si ah. Ta koowaad, waxa aan ku xisaabtanno iyo waxaan ku shaqayno isma laha. Sidaas darteed, xisaabtan run ah inaan wadaagno way inagu adag tahay. Tusaale ahaan, inkastoo farsamadeena doorashooyin iyo heshiisyadeena anshax ee wakhtiga olalaha doorashooyinku horumar badan sameeyeen, haddana weli kumaynaan guulaysan inaan si caqli ku dhisan uga jawaabno kaalinta qabiilka iyo qaranku kala leeyihiin. Meesha tusaalahaasi sida cadceeda uga muuqdaa waa Golaha Guurtida. Golahani waa ka aan ku faanaynay inaan dimuqraadiyadda iyo dawladnimada casriga ah ugu laylinay dhaqan guun ah oo quruun ka quruun soo jirey. Guulaha nabadaynta uu golahani kasoo hooyey ayaanan u daliishanay in layligaasi suurtogal yahay welibana si fiican u shaqaynayo. Sillanku waa in guurtida loo dooran karin sida xisbiyada oo qiimihii dhaqanka ahaa ayaa ku lumaya; loona dooran karin si dhaqan oo, bi saraaxa, ma lihin xeer dhaqameed faahfaahsan oo xukuma doorashooyinka qabiilka dhexdiisa.

Haddii arrinta saamiga Samaroon ka taagan imika lasoo geliyo halkan, waxa Samaroon arkaa in Madaxweynaha, Guddoomiyeyaasha Wakiilada iyo Guurtiduba isku wada reer yihiin, Isaaq, sidaas darteedna majaraha Soomaalilaan ayna meelba kasoo gelin Samaroon iyo beelaha kale ee darifyadu toona. Isla xaqiiqadaas waxa loo arki karaa si ka duwan sidaas: in Madaxweynuhu yahay Kulmiye, Guddoomiyaha Wakiiladuna yahay Wadani. Marba Wadani oo dhawaan soo laacay sallaanka siyaasaddu hadduu meesha ku haysto xil sidaas oo kale u sarreeya, waxa ishaan u furnayn sharaxyada kale u arki kartaa in ay tahay sifo cadaaladeed oo waafi ah. Dhanka kale waxa la is weydiin karaa iyagoo Samaroon haysta kursiga labaad ee fulinta sababta ay haddana wax u tabanayaan. Haddii aad u arkayso doorka Madaxweyne-ku-Xigeenka kaalin mugga siyaasadeed ee saddexdaa aan soo sheegnay oo kale leh, waxa xantu kuu sheegi in kursigaasi qiimihiisa ugu fiicani yahay inaad ku sugto inta laga dhimanayo kursiga kaa sareeya. Waxba yaan laga xanaaqin; wixii xanshashaqu ahaa uunbaan soo dhigey badda.[2]

Ta labaad, waxa ceeb laga dhigay inaynu u wada hadalno (waa inagoo ah aqoonyahan, dhallinyar iyo dhammaan inta ka faanta reerka) si qabiil iyadoo daliil la inooga dhigay qiirada dalka, iyo qawlka Eebbe. Waxay taasi meesha ka saartay in la wadaago wada hadal caqligal ah oo inagu dhaweeya in duruufteena aan saamayn ku yeelano. Waxa qof kasta oo caqli fayow is weydiin karaa oo miyeyna saxda ahayn in marka qabiilka iyo qaranku kuu gudboonaado aad ilowdo qabiilka? Waxay u egtahay markastaba in sidaasi saxda tahay. Laakiin waxaad ilaawaysaa in qaranku ku xadaysan yahay dhul, qabiilkuna dhiig. Marka doodaas halka ugu dheer la gaadhsiiyo, waxaad leedahay dhulka ayaa iiga wanaagsan dhiiga (isbarbar dhig labadan maahmaahood: “oodi ab ka dhaw” iyo “Ninna intuu kuu jiro kuuma soo dhaafo”?) Haddii reerkaagu yaalo beerta lagu naanayso Ayaandaran oo xuduuda Soomaalilaan iyo Itoobiya ku wada dhacda, waa qarankee kaad u noqonaysaa daaacaddu? Mise waa inayna marka horeba jirin Ayaandaran oo kale? Laakiin marba haddii ay maanta jirto, ma sidii ayna jirin ayaan u dhaqmaynaa mise sidii ay jirto?

Marba haddii aan nahay kuwa “iftiinka aqoontu” taabtay, waxaan ka dhawrsanay siyaasadda iyo talada tolka ee ah “bulaacadda”. Waxaan u dhaafnay kuwo, sideena oo kale, “iftiinka aqoontu” taabtay, haddana leh dantooda ayna la waaban. Dayacaasi wuxuu weecshay bulshadii la rabay inay samaha iyo cadaaladda ku dhaqanto. Intay iyagu dantooda wateen, inaguna makhaayadaha, boggaga cadcad iyo fadhiyadeena ayaan kaga caayaynay siday u yihiin saaqidiinta, faashiliinta, khaayimiinta, hoogayaasha iyo sifo kasta oo xun oo afkeena aan markaas ka heli karaynay. Waxaan sheeganay inaan ka nahay arrimaha jira bari, dhexdhexaad. Laakiin bari kama noqon karno mar haddii aynaan mid gar leh iyo ku aan lahaynba ugu hiilin gar toosan. Guul ayey inoo tahay inaan sheegano asal-ma-doorshe; ugu yaraan, dhibta ma kordhiyo.

Culimadeenu iyagoo soo daliishanaya Aayadda 13aad ee Suuradda 49aad ee Al-Xujuraat, oo u dhigan sidan:

يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنَّا خَلَقْنَاكُم مِّن ذَكَرٍ وَأُنثَى وَجَعَلْنَاكُمْ شُعُوبًا وَقَبَائِلَ لِتَعَارَفُوا إِنَّ أَكْرَمَكُمْ عِندَ اللَّهِ أَتْقَاكُمْ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ

macnaheeduna yahay, “Dadow waxaan idinka abuuray lab iyo dheddig, waxaana idinka yeellay shucuub iyo qabiilooyin si aad isu aqoonsataan, Ruuxase ugu sharaf badan Eebe agtiisa waa ka idiinku dhawrsasho badan, Eebana wax walba waa ogyahay,” waxay inoo sheegeen in qabyaaladu isku garasho mooyee aanay meel kale ku lahayn mujtamaca Muslimiinta ah. Waxaan u deyn culimada marka la isku garto sida loo isticmaali karo iyo sidaan loo isticmaali karin. Hal aynu wada ognahay waa in marka laguu garto inaad muwaadin tahay, bal qabsoo, in ay ka ratibmayaan xuquuqo aad yeelanayso iyo waajibaadyo lagaa sugayo. Sidoo kale marka laguu garto inaad Muslin tahay, waxa jira xuquuqo aad ku yeelanayso bulshada Muslimiinta ah iyo waajibaad kaa saarmaya. Halkaas culimadii waxa inoogu maqan faahfaahin.

Ta kale, aayaddani si isku mid ah ayey uga wada hadashay beesha iyo bulshada – in labaduba yihiin wax la isku garto. Su’aasha meeshan ka dhalanaysaa waa sababta aan ugu ogolaanayno magaca qaran inuu xumaan ka nasahnaado, illeyn marka uu qaran ama shacbi ku xadgudbaan umad kale oo ka duwan ma nidhaa “waa la qarameeyey”, inagoo uga jeedna waa la dulmay; xagga qabiilka wixii lagu dulmiyo markaaba lala soo boodo “qabyaaladayn”? Dhanka kale, maxaan diinta ugu nici weynay xagjirka maadaama magaceeda lagu fulinayey? Jawaabtu waa inay inoo qeexan tahay kala soornaanta falka dadka iyo farriinta diintu. Fursad wanaagsan maynaan siin qabiilka. Way inoo fududahay inaan kala saarno dalka iyo falka dawladda; way inoo fududahay inaan kala saarno diinta iyo dadka; gardaradeenase, way inagu adag tahay inaan kala saarno qabyaaladda iyo falka qaldan.

Tan saddexaad waa in Soomaalilaan aad loogu wada mashquulsan yahay raadcada waxa inaga wada maqan oo dayac badani ka jiro wixii inagu kala maqan. Sidaan ugu mashquulsanayn in aan bulshada caalamka ka dhaadhicino inaan nahay dad u qalma qaran ayaan waxaan dayacnay adkaynta cadaaladda dhexdeena iyo kalsoonida bulshadeenu ku qabto awooda dhexe. Sidaan ugu mashquulsanayn waxa ay ina tari lahayd haddii heshiishyo laba geesood ah aan la gali lahayn dalal ajaanib ah, rajo shaqo abuur, ayaan ku dayacnay xilkii inaga saarnaa hagaajinta nolosha bulshadeena. Mar qabiilada ayey wax ku kala maqan yihiin; mar kalena dabaqado bulsho oo samaysmaya ayey wax ku kala maqan yihiin. Midkoodna ma sahlana. Ta qabiilku way muuqataaye, ta dabaqadaha weli laguma baraarugsana. Bal u fiirso, maanta magaalo kasta oo weyn waxa ka socda qamaam dhul oo ba’an. Dad aan rajo ka qabin inay dhistaan ama beertaan ayaa waxay qabsanayaan dhul aad u ballaadhan. Waxa u sii sahlay tahriibka dhallinyaradeena oo marka Eebbaana gaffayne ka ay u baxsheen Magaffe uu cidlada ku helo ay qoysasku ku furdaamiyaan iibka dhulka. Waxaad moodaa dadka in loo tashaday – qolana ubadka ka qaadanayso, qaar kalena wixii beerahoodii ka hadhay ka hohobsanayaan. Ka hore lacag baad ah ayuu qaadanayaa; ka dambe dhul ayuu ku qaadanayaa qiimihii suuqa wax ka yar. Waxa la ogsoon yahay in iibka dhulku qaatay kaalintii dahabka. Ugaba fiicane, wuxuu soo hooyaa in ka badan mararka qaar toban jibaar.

Ugu dambayntii, isdiidada ugu weyn ee labadan kala haysata waxay ku jirtaa in unuga qaranku yahay qofka halka unuga qabiilku ka yahay qoyska. Odhaahdii Kheenee Dekaakhte (René Descarte) ee “Waan fikiraa sidaa darteed waan ahay,” (I think therefore I am) ayaa indheergarad badan oo qaaradda Afrika ku nooli u rogeen, iyagoo adeegsanaya siiqaddiisa oo kale, “Waan fikiraa sidaa darteed ka mid baan ahay.” (I think therefore I belong). Tusaale ahaan, cashuurta qaranku guro, ciqaabta qaranku fuliyo, iyo xuquuqaha dadku ku leeyihiin qaranka intaba waxa laga rabaa ama lagu fuliyaa ama la siiyaa waa qof halka intoodaas oo kale qabiilku u saaro qoys. Magta iyo mawlaxada, tusaale, waxa loo bixiyaa waa qoys-qoys. Waxa loo aqoonsadaa qoys marka ninku xaas yeesho. Inta ka horraysa, wuxuu ku tirsan yahay qoyska aabihii.

Qaad Qaad Buu Leeyahay

Anigoo yar ayaa la iiga sheekeeyey, dhawaanna la ii faahfaahshay, in awowgay Maydhane oo inankiisii, anigana adeerkay Muumin, ay usoo gashay gabadh (intoodaba Allaha u naxariistee) geyaankiisa ah. Sida dhaqanku ahaa, gabadha soo gasha lama celin jirin (waxaan filayaa in haween badan kaman doonaan casrigaas). Meel bayse arrintu surgin ku lahayd: gabadha waa laga weynaa. Sidaas darteed, lama fili karo in reerkii dhalay bixiyaan iyadoo gabadhii ka weynayd joogto. Dhanka kalena, lama sugi karo oo wakhti ma jiro labadaraaleba. Waa mare, gabadh soo gashay haddeed wax u hadhay ma jirto. Dhanka kalena, awowgay wuxuu ahaa madi sidaas darteed waxa guurka lagula degdegayey raggii uu dhalay si ay tafiirta u ilaaliyaan. Si loo fudaydsado hawlahaas is barkan ayaa tolku kula taliyeen Awoowo in gabadha la qaado oo lamaanaha la isku soo meheriyo dabadeedna hibo-doon loogu soo celiyo reeraha. Ma ahayn taas wax ku cusub reeraha; waxay ahayd wado lagu sahashado yagleelida reerka cusub maadaama sida quman keeni karto culays dhaqaale oo badan. Haddana isagoo Awoowo intaas dareensan ayuu diidey in gabadha la qaado isagoo ku sababeeyey, “Qaad qaad buu leeyahay.” Gabadhii sidii ayaa reerka lagaga doonay; sidii saadaashu ahaydna, culayskii dhaqaale wuu jirey.

Si aynaan uga eexan gacalka oo iyaguna maanta qoys aanu ku noqonay guurkaas, waxaan qiyaasayaa in dhacdada dhakhsihii ayna ku ogaan. Waxa kale ee aan qiyaasayaa in aanay ogeyn in Awoowo diidey qorshahaas gabadhooda lagu qaadayey. Iyaguna, marka arrintu halkaas joogto sidii gabadh gabadhi ka weyn tahay si la mid ah uunbay u bixiyeen. Dhanka kale markaad ka eegtana, run ahaantii, waxa la is odhan karaa qofna kuguma laha abaalka inuu iska dhaafay dembigii uu kaa geli lahaa.

Sheekadaas waxa i geliyey waa anigoo u arka inaynu wax ka korodhsan karno. Haddii garta aan siin lahayn cidda iska leh, xataa haddii ay inagu adag tahay ama foorarto, runta waan u dhawaan lahayn. Haddii runta aynaan u sheegi karin tolkeen, haddii runta aynaan ka sheegi karin tolkeen, haddii runta aynaan noqon tolkeed, magacaan doonno aan iskugu yeedhno, waxaan dhammaanteen halis u nahay inaan noqono:

“Inta huriwaa daleed u yaal
Damac iyo hammuun awood
Loogu dabray qool hallaasi” Cadan.

Ta kale ee xiisaha leh ee sheekadan ku jirtaa waa in Awoowo aanu ahayn suldaan ama beeldaajiye. Dhammaanteen waxaan is odhan lahayn kaasi aniga ma aha; xilkaas ma hayo; dadkaas oo dhan oo wax iga maqlayaa ma jiraan iyo inta marmarsiyo kale dunida taal. Haddii dhibtaada oo keliya aad ka adkaato, haddii dhankaaga wanaag badan ka yimaado, waxa laga yaabaa inaad kuwa kalena dhaxalsiiso inta xun inay wanaag ku bedelaan. Wanaaga aynu ka raadinayno qarankeena, qabiilkeena, gobolkeena, degmadeena, magaaladeena, xaafadeena, iyo qoyskeenu waa in marka hore raadcadiisa aan ka bilowno nafteena.

Haddaba, Maxaa Talo Ah?

Siday aniga iila muuqato, talada koowaad waa inaan nafteena runta u sheegno; dabadeedna dadkana runta u sheegno. Calool-adayga, Alle-weheshiga, iyo garaadka badan ee Soomaalidu waa sedkeena. Sedkaas aan u isticmaalno runta inaan ka sheegno nolosheena iyo cadalaadda oon ugu dhawaano.

Wadaad iyo waranleba, qabiilku wuxuu inoogu jiraa kaalin muhiim ah. Taasi waa run muhiim ah oo aan u baahannahay inaan qirano. Waa dunta bulshadeena isku tolaysa. Waa qaabka aan u dhisannahay. Inagama dhigayso kuwo dadka kale ka wanaagsan ama ka liita. Weynaha ka sokow, taasi waxay ku xidhan tahay sidaan u isticmaalno. Dhaqanka reer galbeedka ee qofku xudunta u yahay (individuality) kama dhigin kuwo aan waxba wadaagi karin. Dadka ayaan la simannahay. Qabkii odhanayey dadkaan ka sarraynaana ma jiro. Haddii adiguba aanad oggolayn in lagaa sarreeyo, sideed u ogolaan in cid kale kaa hoosayso?

Qabiilkuse inaguma ajburinayo inaan dulmino cid kale. Cadaalad-darrada aad tirsanayso tu la mid ah ama ka weynba adigu ha geysan. Taas cid kasta ayey ku socotaa (waxba Samaroon yaanu eegin dhanka Isaaq). Ta tuulo iyo magaalo kasta taal oo ururtay uunbaa qaranka dhexena taal. Bal eega sida loo arko, aan looga qaybgelin talada umada, ama loo faquuqo Midgaha, Gabooyaha, Tumaasha, Tunida, Yibirka iyo dhammaan beelaha sharafta leh ee aan walaalaha nahay. Haddii cadaalad-darrada aan ka cabaynayo ina tusayn ta aan inagu samaynayno, waa uun af-gobaadsi. Bogga cadaaladda ee aan rabno in Gadabuursi ama Harti loo eego, maxaa loogu eegi laayahay reerahaas sharafta leh ee toodu ka wakhtiga dheer tahay? Hadraawi dhayal uguma bixin maansadiisii haybsooca uu kaga hadlayey “Dhulgariir.” Waa sax bog cadaaladeed in la furo; yaan reer qudha loo furin. Dadka iyo dalkoo dhan haloo wada furo. Cadaalad dhiman waa cadaalad-darro.

Furitaanka bogga cadaaladeed wuxuu door muhiim ah siinayaa kuwa cadaalad-daradda tirsanaya. Meel kasta oo dib-u-shaandhayn lagu sameeyo cadaaladdii taalay, waxa hormood ka ahaa kuwii marka hore la dulmayey. Nasiib darro, fursaddaas Weynuhu (SOK) uu ku galladay ka la dulmay natiijadeedu ma noqon mid cadaalad horseeda markasta; in badan ayaa lagu mashquulay aargoosi iyo magdhaw – sidaasaana mustaqbalkii loogu rahaamaday tegto hore wixii dhacay dabadeedna loogu hungoobay. Inagoo taas ka duulayna, beelaha la haybsooco, beelaha tirsanaya inaanay awooda dhexe ee dalka ka hayn doorkoodii, waa inayna halgankooda cadaalad-raadiska ah ku xidhan laanta jilicda san ee aargoosiga iyo magdhawga laakiin ay ku xidhaan jiridda adag ee cadaaladda iyo walaanimada naxariistu asalka u tahay.

Haddeed waxaan joognaa markaan xeerarkeena dib u eegis ku samayn lahayn. Inagoo ku qalabaysan run inaan isku sheegno, ku qanacsan cadaalad dadkoo dhan gaadha maadaama aan ogsoonnahay in wixii dheeri ah ee dhankeena raacaa xeerkiisu yahay “qaad qaad buu leeyahay,” waa inaan xeerarka inoo qoran indhaha iyo maanka u furnaa sidii ay uga turjumi lahaayeen xaqiiqooyinkeena. Arrimaha ugu xiiso badan ee dhaqankeena ku adag, laakiin xeerarkeena ku jira, waa aragtida sharciga ah ee dhigaysa in dembiga qof galo uu ka galay dawladda. Xeer-dhaqameedkeenu wuxuu u dhigan yahay in cidda laga galayaa dembiga tahay qof ama qoys, laakiin aanay ahayn dawlad. Labadoodu waxay kala qaadanayaan laba dariiqo oo kala fog markay noqoto xeer-ciqaabeedka. Xagga xeer-dhaqameedku badiba ka eegayo waxa raaligelinaya qofka dembiga laga gelayo, ka kale wuxuu eegayaa wixii raaligelinayey dawladda. Shareecada ayaad moodaa in labadan ay dhexdhexaadin fiican u tahay oo ay qofka dembiga laga galayna siinayso fursad badan, iyadoo dhanka kalena aqoonsan maslaxad guud.

Xeerarka dastuurka ku jira ee runta in la iskaga sheego aynu uga baahanahay waxa weeye xisbiyada qaranka, Golayaasha iyo sida lagu imanayo (gole dhaqan ku imanaya laguma heli karo tartan doorasho oo la isku nacayo), iyo xeer-ciqaabeed midaynaya sida saddexda il ee imika aynu garteena ku soorno (waa tii dhaqanka, diiniga iyo maxkmadda’e) meel la iskugu keeni lahaa.

Waxbarashadeenu waa inay si dhab ah uga turjunto waxa aan nahay iyo halka aan u socono. Taas macnaheedu waa in barashada Quraanka ardaygu ku dhammaysto dugsiga; waa in barashada waajibaadyada diiniga ah oo dhan uu iyagna ku dhamaysto dugsiga. Inuu ardaygu u baahdo dedaal ka baxsan ka dugsiga (malcaamad iyo madarasad) si uu aasaaska diintiisa u barto waxay inaga sheegaysaa isaseega ku jira nidaamka waxbarashadeena iyo ahaanshaheena. Afkiisa oo uu hodan ka noqdo iyo suugaantiisa oo uu bartana waa lama huraan. Macnaheedu ma aha waxba kama jiraan intaas, laakiin runta aynu iskaga sheegnee waa inta ugu liidata wuxuu ardaygu ku barto dugsi. Waxaan iyadna la dhaafi karin in weynaysadii aan u qaadanay xeerarka dalka oo kale aan u qaadano dhinaca manhajka oo aan eegno ahaanshaheena cusub sida uu u bilayo. Wixii aan bilayn ahaanshaheena, waa inaynu iska baalmarnaa.

Doontii Nebi Nuux (NNKHA)

Aayadda qormadi ku bilaabatay waa markii Nebi Nuux (NNKHA) uu farayey intii raacday inay koraan doontii dhaafin lahayd masiibada soo foodleh, magaca Eebbe dartii. Intaan qormadan waday, waxay igu ahayd sidii anigoo doon saaran duufaanku dhinac waliba ka hayo oo aan garanayn halkay u socoto iyo halka ay saldhigayso. Welina ma saldhigin oo su’aal kasta oo naftayda ku jirtay uma helin jawaabtaan ku qanci lahaa. Ugu yaraanse, waxaan ogahay in wax badani ii dhiman yihiin. Taasina waa bilow fiican. Waa sababta aan idiinla wadaagay: in da’yarta aan ku martiqaado wada-hadal iyo wax-is-dhaafsi ku qotoma maanfurnaan, xeeldheeri, fiirsasho fog, iyo weliba dulqaad. Gaar ahaan dulqaad, si aynu u gaadhno mar aynu ahaanshaheena u qeexi karno si ka fiican sida maanta.

Haddana martiqaadkani waa ammaano. Waxa ina wada deymiyey kuwa inaga dambeeya; waa timaadada. Waxay dhawrayaan sidaan ka yeelno maanta: inaan ku soorno gar ama godob. Waxay dhawrayaan in aan talladaas rogrogno ama aan iska riixno. Waxay eegayaan inaan noqono horseed barkhadeed ama horseed belaayo. Marka lagu tumanayo dantooda, ammaanadooda, iyo xaqqooda, way u cadahay in cidina ahayn dhexdhexaad: waa hiiliye iyo ka-hiiliye. Sooyaalka iyo siiyaalkuba waa marag. Maxay kaa sheegayaan?

Marar badan ayaad is odhanaysaa dalalku waa sida doontaas. Waxay sidaan dad, xayawaan iyo duunyaba. Waxayna jibaaxayaan duufaan joogto ah. Mararka qaar, duufaanku wuu defaa oo dalka nabadqab lagu wada naaloodaa. Marar badanse, ugu yaraan mu’aamaradaha iyo shirqoolada jira ama awoodaha taban ee shaydaanku xaabeeyo ayaa cabsi joogto dadkiisa ku abuura; noloshana ka dhiga waxaan la saadaalin karin.

Mudadii doontaasi biyaha ku dhexjirtey waxa hoggaanka u hayey, amarka Eebbe ka sokow, addoon ka mid ah kuwa ugu wanaagsan adoomada Ilaahay. Waxa uu ahaa addoon lexejeclo ka qabay in addoomada Ilaahay oo dhan ee nolaa wakhtigaas fursad helaan ay ku badbaadaan. Wuxuu ka dhursugayey 950 sanno. Intii biyaha lagu jireyna, sabab aan u filno in wanaagiisi wax iska dooriyeen ma jiraan. Sidaas darteedna waxa loogu yaboohay, aayadda 48aad ee Suuradda 11aad ee Al-Huud, isaga iyo tafiirtii ka dambaysay: “waxaa lagu yidhi Nuuxow ku deg Nabadgalyo xaggannaga ah iyo ummadaha kula jira, ummadana waannu u raaxayn markaas waxaa taaban cadaab daran oo xaggannaga ka ahaada.”

قِيلَ يَا نُوحُ اهْبِطْ بِسَلامٍ مِّنَّا وَبَرَكَاتٍ عَلَيْكَ وَعَلَى أُمَمٍ مِّمَّن مَّعَكَ وَأُمَمٌ سَنُمَتِّعُهُمْ ثُمَّ يَمَسُّهُم مِّنَّا عَذَابٌ أَلِيمٌ

Eebbow na nabadgeli, oo na barakee anaga iyo inta naga dambaysaba adigaa magacaagu yahay Nabad, wuxuu doonana barakeeya haddana Jooga Markasta iyo Meelkasta!

[1] Aayadaha qormadan ku jira oo dhan sida loo turjumay waxaan kasoo dheegtay ta ku taal bogga www.quran.com. Dhigaalkoodana ka eeg www.holyquran.net.

[2] Sugista geerida ninka kaa sarreeyaa ma aha mid maamulka hadda jooga la kow satay. In muddo ahba waa soo taagnayd. Sheekooyin dhawr ah ayaana laga hayaa oo dhammaantood iska ah sir furan.


Comments

4 responses to “Shawr: Tol Waa Tolane”

  1. Maxamed Maxamud Xassan Avatar
    Maxamed Maxamud Xassan

    weli hadal ka run badan oo ka waaqicisan oo ka odoros wanaagsan oo ka xal badan il ma saarin…ugu horayn ilaahay baan ku mahadinayaa inay jiraan shaqsiyaad sidan u fekerayaa waxaanna Alle ka tuugayaa inuu soo kordhiyo tirada dadkan oo kale si loo helo umad dhabbakhda oo ku dhaqanta aragtida halkan ku qoran..mahadsanid mar iyo marar badan Alle caqliga iyo cilmigaba ha kuu barakeeyo…

    1. Aamiin walaal ideylkeenba Allaha ina barakeeyo oo isku keen barakeeyo. Mahadsanid Maxamed Maxamud Xassan.

  2. mukhtaar Avatar
    mukhtaar

    wll aad baad u mahad santhy, waligay wax iskaga kay murugsanaa oo aanan jawaab u hayn ayaad tilmaantay. alle danbigaaga iyo kii waalidkaaba ha dhaafee, ha ka seexan hawshaas aad bar bilawgeeda hormoodka u tahay anana waa kula jiraa hadaanu nahay dhalinta mustaqbalka fiican u rabta naftooda iyo nafta inta ka danbaysa, kana soo horjeeda dulmiga iyo deelqaafka ay joogteeyaan jiilalkii inaga horeeyay , oo inooga tagay caqabadaha aan haatan la tacaalayno.

    1. Mahadsanid Mukhtaar. Waxa qormadani isku dayeysaa waa in sharaxyada aan helnay hoos loo eego. Arrintan iyo kuwa kaleba waa inaan hoos ugu daadegno si nolosheena aan u saamayn karno.

Leave a comment