Murti & Wisdom والحكمة

Maansadan waxay ka dhalatay rabshadihii beriga dhawayd ka dhacay Cadan oo ay joogaan Gacalisadayda Aniisa Axmed Cumar iyo Curadayda Yaasmiin Mukhtaar Xasan dhammaadkii bishii lasoo dhaafay ee 12aad sannadka 2013. 

Heesba waxaan u daayey
Waxaan durbaanka hooyey
Ee dabaaldegii hagaasiyey
Waa dabkaa Cadan haleelay
Hubkaa iyo qaraxa dayaamay
Halbawlaha daabka saaran
Beerka hantaaq la diidey
Inta huriwaa daleed u yaal
Damac iyo hammuun awood
Loogu dabray qool hallaasi

Aniisaay holacaas durdurey
Waa kii haybtaydii dardaray
Hanadiyo geesiyo diiran
Gaari iyo hablo dun ah
Imisuu u heeray dulmane
Imisuu u hiishay daalin
Sida hoorka dareera
Huube-miiristu durugtay
Hilmaan lala dakaamay
Haddana dulmane dulmiyey
Horeba kii ugu dulmanaa
Haggaag loogu duceeyey
Ishii dulmiga habaysay

Yaan hawraartu ila durkine
U hiiliyaha dulmanahaw
Daayinka nabada habayow
Daryeelaha  hannuunsanahaw
Adaan hilmaam ku dagayne
Daal iyo Adaan hurdo lahayne
Adaan halna kaa dahsoonayne
Adaa hirgeliya Waxaad doonto’e
Hagar Adaan lahayn iyo dabare
Ku daar hoyga Yaasmiin nabad
Nagu hoo degal cadaaladeed
Run iyo daacad nagu sii hanti
Hannuunkana nagu sii durki
Daryeel waxaad noo hibeysay
Dambaysadana noo hagaaji


Comments

Leave a comment