Murti & Wisdom والحكمة

Cududaan tijaabi idhi
Bal ciijiyoo shaashle
Car libaax luqun qabo
Isagaaba iga cararay

Bal celiyoo marka kale
Waxaan calmaday adduun
Ciddibaanan kusoo helay

Car mar kale eegoo
Ruux dhannoo caqli leh
Ereyo cabiran u dhiiboo
Cantoobi qubuul idhi
Illeyn iyadna maaha culays

Taariikhda cagaysaan
Cabir ka qaatoo
Duulaanka ciidan
Ku qabsado carro kale
Calaf uu ku lahaayiyo
Wareegtada Casiiska
Markaan ciddi la ogeyn
Caqli uu ku dhaanshiyo
Maskaxbaa u camiran
Iyadna maaha carre
Waa caado adduun

Nafbaa u caynaan adag
Adduun inta la carbiyo

Intaad cabirayso ku kale
Cuddoonkaaga meel saar
Ama cayin intii liidaa’a
Adoon midna ku cukin
Ama ka caagin ku kale
Soo hel celceliskeed
Caali intii mudan
Caatee intii murgan.


Comments

Leave a comment