Markaan huluushay bustaha, saw kuma ambabarin xamxam iyo dood kulul oo la isku qaaday. Laba xubnoodoo is tusay inay kuwa kale xus dheer yihiin, saw midiba dhan garteeda uma dhiiban. Aniguna, xaadire, soo daaya midba tiisa saw ma odhan.
Maskax baa hadloo wuxuu yidhi, “Xubin anaa u mudan. Bal xisaab waxaan hawl kuu hayo. Kasoo bilow tan iyo waaga berigiisi, waxaan ahay xarunta ay isugu yimaadaan dareenkaaga shanta ahi. Illeyn waa wax aan war iska hayne, shantaas ayaa sida mahiigaanka iigu soo mira farriimaha. Aniguna mid mid ayaan uga jawaabaa, u sheegaa tabashadiisa. Adigana hagardaamada iyo wixii hantaaq ah ayaan sidaa kaaga dhawraa.”
“Haadda,” ayaan ugu jawaabay. Carab ayaa iga hoos yidhi, “Gar waa loo Islaame, Maskax haddii intaas uu sheegtay wada dhab tahay, teydaanba ogeyne, xubin isagaa ugu mudan.”
Maskax wuxuu ku daray, “Xilka aan hayo intaas kuma eka. Kuwo aan hawsha ka yaraysan baa jira. Inta adin la dirtana, anigaa farriinta gaadhsiiya oo cagta qaad idhaah, gacan saara hawlaha, ama hadalka u dhiiba Carab. Inaad dhoola-cadayso oo keliya, inta muruq ee u baahan in farriinta la gaadhsiiyo oo midba dhaqaaqo xaddi cabiran wakhtigeeda waa hawl madaxaagaas ka weyn. Isha gibidheeda miyaan kuu sheegayba? Hadda waa yaryaroodkii kuwaasi. Socodka, orodka, tamcada, qorista, akhrista iyo qaar kaloo badanba waxay u baahan yihiin isu-duwista murqo, xubno, lafo, dheecaano iyo qaar badan oo kale oo mid waliba qiyaas ku fadhido. Ka dayaxa loo gano ayaa u noqonaya hawlahan sahaalo. Intaasoo dhan ayaan mid mid farriinta u gaadhsiiyaa, u hawl-geliyaa, u saxaa, hawsha dib ugu celiyaa haddana ka daba xaaqaa wixii qalad ay galeen.”
“Waa gar’e,” ayuu yidhi Carab. Muu Carab iska yar aamuso inta ninkani gartiisa ka boganayo!
“Marka xannuunku helo xubin jidhkaaga ah, anigaa heeganka ku jira, u dira gurmadka iyo daawada, abaabula saadka. Xannuun ma macaana, waase lama huraan. Haddii aanad laxawba dareemayn, saw nabarka nudda kaa gaadha umaad bakhtideen? Maxaabad halkaas ka eegan, haddaan laxawgu jirin, markaad si xun u seexatid ee dhiigaagu kala xidhmo, ugu yaraan, saw xubno bakhtiyey uguma soo toosteen? Waxaynu ku noolnahay saw dheelitiranka laxawga iyo la’aantii ma aha?ย Dheelitirankaagana ka u joogaa saw aniga ma aha? Inta xubin iskeed u shaqaysa, ka qiyaasta siiyaa saw aniga ma aha? Inta aad hurudo, ruuxdaadu maqan tahay, ka laguu diree ku rogrogaa saw aniga ma aha? Intaad ka warhayso, iyo intaanad ka warhaynba, ka u heelan saw aniga ma aha?
“Alliyo, Nebi, iyo Rasuul!” ayuu lasoo booday Carab.ย “Alla maxaa hawl kugu hawaarsatay!” Aniguna waxaan idhi, “Carabow bal u kaadi. Waar bal haadda.”
“Miyaan kuugu daray gooni intaan kuugu hayo? Miyaan kuugu daray intaan kugu curiyo, kugu cariyo, kula culo ama kuu cugo arrimahaaga? Miyaan kuugu daray markaad maangal leedahay inaad ujeedo waxaan kaa ogalaan karo? Haddaan is idhaa gartaada xaqeeda sii, waxaan ka baqayaa inay ajashu ku haleesho intaan dhiibanayee, halse aan kuugu soo koobo. Waxa, aad kaga duwan tahay habar xayawaan, saw aniga ma aha?” Kelmadaas ugu dambaysa markii Maskax lahaa, wuxuu farihiisa kale oo duuban murdisada la dhacay laabtiisa.
Carab ayaa yidhi, “Bal Illaahaybaan kugu dhaarshee, yaa waakaase ka mudan?” Carab waxaan u sheegay in aanu i tiro-qasine, bal i yar sugo, hadalna iga dhawro. Intaanan kasoo wada jeedsan Carab, ayaa waxa soo joogsaday Wadne oo yidhi, “Mudanahaygiiyow, waxba yaanu Maskax hadalka kuu qurxinne, anigaa u mudan inta xubin kuu diran.”
“Wagagac, hmmmm…” Carab wuxuu soo watayba waan ka xidhay. Waxaan kula jeestay Wadne, “Adna ma mudnaan baad sheegatay? Bal aan eegnee soo daa.”
Wadne wuxuu yidhi, “Mudanehaygiiyow, waxaan ahay xubin aan mid kale la xaal ahayn. Hawo lagama maarmee, waxaan ahay ka bidha dhiiga unug kasta geeya neefta isla markaana kasoo qaada ta dikhawday ee ay huursanayeen. Haddaan daqiiqado yar ku daayo, Maskax iyo Cali toona yeelan maysee, igu walee inay wada kafafayaan.”
“Haadda,” ayaan hadal kaga guray. Laakiin waakane yaa Carab aamusiin. Kuye, “Oo taadu waaba geeri iyo nolol? Cajiib!” Fartaan saaray afkayga. “Afkayow shib dheh, shibbaa lagu dhahooyaaye,” ayuu ku gunuusay.
Wadne wuxuu yidhi, “Haa Carabow, arrinta aan ka hadlayaayi ma sahlana. Dhanka kalena, ifka wax la quuto oo hawada ka sokeeya, Aadame wuxuu ugu baahi badan yahay waa biyo. Jidiinkaa biyaha aad mariso, bal is weydii, sideebay xubnaha ku gaadhaan? Marka la shiilee, wasakhda iyo laga saaro wixii qaldan, dhiigaa qaadoo, gaadhsiiya unug kasta. Dhiigna igama maarmoo waxaan ahay ka u sahla dariiqyadaa joogto iyo jiiftaba leh inuu jibaaxo. Bal hal yar oo usbuuc ka soon qoyaanba! Mise waan joojiyaa daqiiqad qudha shaqada, qoyaan iyo hawo qalalan toona aad weydide?
“Karah iyo farax, deganaan iyo digdigleynba, dagaal iyo nabad, barwaaqo iyo abaar, intaba halka aad ka dareentee waayaheeda kuu sheegta ayaan ahay. Xaruntii jacaylkaan ahay. Horta, ma waxaan jacayl ahayn ayaa loo nool yahay?”
Haddii Carab yidhi uun, “Horta…” Waxaan kula soo qamaamay anigoo weji-doorsan, “Naga aamus Carabow. Maxaad dadka uga dhexgashaa hadalka? Hadal jecelidaa. Mar dambe ha hadlin.”
“Intaas kuma ekoo, shaqadaydu ma aha oo keliya dhiigsidide, waxaan ahay ka aanad aqoon halka galladiisu gaadhsiisan tahay. Kii yaqaanay, doorannaw Maxamed “NNKH” waa kii ku lahaa, ‘Jidhka waxa ku jirta waslad, haddii ay hagaagto jidhkoo dhami hagaagayo, haddii ay xumaatana jidhkoo dhami xumaanayo waana wadnaha.” Bal isweydiiyoo, ma Maskaxbuu taabtay mise aniga?”
“Horta, anigu waxan oo kale waaban ku wareeraa,” ayuu yidhi Carab. Ka marka dhawayd laga mamnuucay hadalba isaga ma aha. “Bal waakane sideen u kala saarnaa? Maskaxna jidhkoo dhan hawshiisa ayaa kusoo yuurarsatay, waana runtii. Wadnena waaba ka aan laga dhaqaaqi karin, waana runtii. Sideen yeelaa dee?”
Doodu markay halkaas marayso ayaan ka aamusay. Deganaan ku qiimee ayaan is idhi. Waxyar kedib, golihiiba wuxuu isku rogay fawdo. Waxa soo galay xubno kale oo sheegtay mudnaan.
Taran ayaa meesha kula soo booday, “Anigaa ugu mudan illeyn kolayba waad hoyanaysaaye, ka kaa reebaya nusqad ifkan kaasii joogta oo lagugu xasuusto saw aniga ma aha?” Caloolbaa la socota, “Waxaan ahay weelkaaga tamarta iyo daawada. Haddaanad labadaas midna haysan yaa ku taakulayn?” Beerbaa isaguna meesha la maraya, “Haddaanan kaa sifeyn dhiiga, oo wasakhdiisa anigu xeraysan, hadhawna aayar aayar u saarin, saw isma sumayseen? Yaa iiga kaa mudan?” Sankaa soo booday oo isaguna yidhi, “Hawadaba ma idinka xidhaa aad wax barataane?” Hunguri ayaa isaguna ku hanjabay inay waxba soo maraan. Afbaa ugu jawaabay in macal isaga laga xidhi karo. Gacantiibaa iyaduna xasuusisay in afka laftiisa la cuna-qabatayn karo.
Inta waxaasoo gurxan ahi socdo anigu waan dhegaysanayaa. Waxa soo gashay Futo oo wasakhda ka muuqata iyo qadhmuunka horboodaya sagteero badan kaa gagabinaysa, “Ufuuf!” Iyadoon is hawlin ayey tidhi, “Qadhmuunkiinii ayaanu habeen iyo maalin ka shaqaynaa oo aad hadlaysaan. Laga bilaabo daqiiqadaas imika ah, bal aad is ursataane, afaafku wuu xidhan yahay.”ย Cidina dheg jalaq uma siin.
Doodii ayaa sii socotay. Markaan arkay inaanay muuqan sansaan isu-soo-dhawaasho, ayaan dalbaday in la wada aamuso. Hadalbaan u holladay. Wallee Carab ma aamuso. Halkaasuu kolba dhegta mid wax ugu qabanayaa. “Waryaa Carabow, aamus ama meesha isaga bax,” ayaan ugu hanjabay. Waxaan idhi, “Gartu bilowgii labay ku ekayd. Imika way korodhay. Si xubnaha oo dhan xaqooda loo siiyo, waa inaan ka baaraandego. Waxaan idinka maqnaanayaa bil. Naftaan la shawrayaa. Anigaa idiin sheegi xubinta ugu mudan.”
Wadne kuma farxin go’aankaas. Wuxuu yidhi, “Waad i niyadjebisay Mudanahaygiiyow. Ismaan lahayn anigoo Wadne ah, culays la og yahay hadh iyo habeenba haya, ayaa arrintaadu geli waa laga “baaraandegayaa.” Waxaan filayey ciyaalkan, weliba Maskax, inaad runta u sheegto. Qadhaadhkay doonto ha lahaatee, maalin uunbuu garan doonaa kolayba. Maantaana ugu mudnayd.”
Carab ayaa isaguna sidoo kale dalbay in lagu dhawaaqo natiijada mudanka maantaba. Maantuuba ugu xikmad roonaayoo ku lahaa, “Mudane, intii isjiidadku socon lahaa kuwa maqanna kusoo biiri lahaayeen maad inagaga dhawaaqdid? Bal eeg intaan hadal: lafihii, diirkii, dhiigii iyo qaar kaloo badan. Inagaga dhawaaq dee Salli-Calee…”
“Alla maxaa idin la yaabay,” ayuu yidhi Maskax. “Arrinta aad ka hadashay waa caqli gal. Si wanaagsan oo maangal ah uga baaraandeg. Waan hubaa in qaar badani runta ogaan doonaan. Ilama qurux badna aniga in la is magac-dhabo. Laakiin waan ogahay inta ogaan doonta runta. Waanse u sabri in maalinteeda iyo meesheeda aan ku maqlo.”
In cago jiida iyo in kaleba, habeenkaas halkaas ayaa lagu kala huleelay. Aniguse, kama ladin inaan ka fikiro xubinta iigu mudan intaan dirsado. Waxaan rogrogayaa qeexidda xubinta, halka ay xubini ka bilaabanto iyo halka ay ku dhammaato, iyo sida loo qiimayn karo mudnaanta xubno kala duwan, shaqo kala duwanna haya. Ma waxaan ku kala doortaa tirada hawsha ay hayaan? Ma tayada hawlaha? Ma sida aanay noloshaydu uga maarmi karin ayaan ku doortaa? Mise waxaan ku doortaa sida ay noloshayda u sahlaan ama uga dhigaan tu aadame?
Habeenkaas waxaan isku qanciyey inaan ka seexdo. Saamayn badan waxa igu yeeshay doodihii adkaa. Waxaan doortay inaanan u garqaadin iyadood moodo in la kala aftahansan yahay, garta la kala dhiiban og yahay. Sidii Carab sheegayey, waan ku wareeray. Waxaanse ku daystay, “Sii naftaada toban cisho oo doodu maskaxdaada ka maydhanto.”
Markiise usbuuc dhaafay ayaa Midhicir ka cawday in qashinkii cid soo daadisa la la’yahay. Waxa haddana cawday Beer oo sheegay in wasakhdii badatay. Dhiigii ayaa cuslaaday. Wadnihii ayaa bidhistii ku adkaatay. Dhiigii meelaha qaar ayuu gaadhi waayey. Darifyada ayaa bilaabay inay cidhiidhi badan dareemaan. Difaacii jidhka ayaa heegan la geliyey. Maxaa laga tari meel cadawguba yahay kolba inta la cuno ama la cabo? Tamartiina lagama maarmo; wixii dhuuniga maraayina cudur iyo culays ayuu isku bedelay. Wadne ayaa cidhiidhi galay. Maskaxdii way nasan weyday daqiiqad qudha. Xubin kastoo kalena, culayska jira way dareentay. Iyadoon la iska warqabin ayaa barxaddii usbuuc ka hor lagu murmayey la isugu soo baxay.
“Halkay wax si ka yihiin?” ayuu Maskax weydiiyey Midhicir.
“Garanmaayo laakiin qashinkii ma soconayo.”
“Ma waxa adkaaday qashinka oo bilaa biyo ah?
“May. Waaba cakiska oo biyo badan ayuu leeyahay.”
“Ma gaskii culaysin lahaa ee hoos u wadi lahaa ayaan jirin?”
“Gas kuma yara. Maalmahan oo dhan, waxa isoo gaadhayey waxay u badnaayeen khudaar la shiidey.”
“Imikaan xasuustee Futo ma joogtaa?” ayuu kula jeestay Maskax xubnihii.
Deymo ayaa la isku tirsaday. Waa la waayey. Maba soo xaadirin shirkan tolku iskugu yimid. Maskax ayaa intuu kor ugu baxay meel ku dhawaaqay, “Usbuuc ka hor markii aynu ku murannay cidda ugu mudan, waxa mar qudha inoo soo gashay Futo. Waxay inoogu hanjabtay in ay xidhi doonto. Maqnaanshaheeda imikuna waa taas. Way xidhatay. Waxay ila tahay in Futo la doono oo la sasabo. Waxaan u diraynaa inta ugu dhaw ee haleelaysa. Shaqo adag ayaa inoo taala. Waana nadaafadda meeshan. Markaas hala doonto wax gacmaha la gashado iyo wax sanka lagaga daboosho. Waxaan qiyaasayaa in urta iyo wasakhda meesha taalaa yihiin qaar loo dhiman karo.”
“Horta Maskaxow weligay ma arag cid kaa garaad xun,” ayuu Wadne dhankaas kaga soo qabtay. “Inta kale oo dhami waa ku saxe, sideed qof aad u baahan tahay ku keentay inaad tidhaa sankaan ka qabsan, salaantiisana waxaan ka yeelan sitaar. Futo waa lala hadli, inagoon sanna qabsan, sitaarna ka xidhan. Waxaynu weydiin waxay kedinka u xidhay. Dee wixii ay ina tidhaana waanu…”
“Bal joog Wadnow,” ayuu hadalka kaga dhexgalay Carab. “tani imika dhugdhugtii ma ahee. Haddii aad la gar dhigataan, oo su’aashaan sidii dad iyada ka mudan, saw idinka xanaaqi mayso? Aniga ii daaya, anaa wax fahamsiine. Waa in qabkeeda la weyneeyaa. Markaas kadib, way inaga furi.” Maskax iyo Wadne waxay ka xumaadeen in Carab sidaa ugu tiiqtiiqsaday. Carab ayaa amray, “Futo hala doono.”
Futo ayaa timid iyadoo sanku u xidhan yahay. “Caawa maxaa idin helay maba sidataan waxaad sanka saarataan miyaa? Mise tiinaaba hadda iga qadhmuun? Ergada ayaan ka gartay. Bal soo daaya wixii la iigu yeedhay.”
Carab ayaa ugu jawaabay, “Futooy, horta kor waayeel waa wada indho ayaa hore loo yidhi. Beenna ma aha oo caawa taayada ayaa kaa qadhmuun. Waa gartaa inaad naga daboolatid sankaaga.
“Illeyn waxaanu ku udgoonayn adigay ahayd! Illeyn wixii caafimaadka noo horseedayey adigay ahayd! Illeyn wixii culayska naga yaraynayey adigay ahayd? Illeyn deganaanshahayaguba adiguu ku xidhnaa!
“Kolayba waxaan nahay dad is leh – ul iyo diirkeed. Waxaanu ku noolnahay waa noloshaada. Waxaad ku nooshahay waa noloshayada. Wixii kuu roon ayaa noo roon. Wixii kuu daran ayaa noo daran. Kuugumaanaan yeedhin inaan ku weydiino waxa dhacay. Nin fadhigaaga arkaya looma kaco. Waxaanu kuugu yeedhnay waa waxa la yeeli karo imika. Kuugumaanaan yeedhin inaad na dhegaysato. Waxaanu kuugu yeedhnay inaanu ku dhegaysano. Adiguba ma jeclid waxa ina haystee, maxaa Futooy male ah?”
Wadne ayaa is yidhi badhi-itaal Carab. Afkii uu kala qaadayey ayaa Maskax oo ย arkay gacanta saaray. Wuxuu Wadne dhegta ugu qabtay, “Meel fiican ayuu dhigee sug.”
Futo waxay tidhi, “Usbuuc ka hor, waxaad nagu wareeriseen xubin anigaa u mudan iyo anigaa u mudan. Hawshii tiilayna midkiinba inuu qabto wuu iska diidey. Anigu waan ka xumaaday in hadal faaruq ah lagu mashquulo. Waxaan rajaynayey in hadalkaasi soo gaabto. Mana soo gaabane, intiinan caawa i horfadhida, in yar mooyee, waad ku wada jirteen. Haddii qaarkiin ila hadli lahaayeen, caawa ma dhegaysteen. Carab waxaan kugu dhegaysanayaa waa inaanad sheegan inaad cid wax dheertahay. Kuwa kalena ee aan sheeganna sidaasaan u dhegaysan lahaa. Kuwa kale waxaan u diyaariyey mid kasta inaan ku idhaa, “Majarafadda qaadoo soo qub dee qashinka.” Laakiin Carab markaad ergadiina madax uga soo dhigteen ayaad iga rayseen.”
“Allaha ku asturo,” ayuu Carab ku yidhi.
Futo waxay tidhi, “Anigu waxaan qudhunka ugu dhex jiraa hadh iyo habeen waa dartiin. Idinkuna waa inaad ka garawdaan. Midba shaqo muhiim ah ayuu hayaa. Tiisu haddii ay liicdo, kuwa kale oo dhan ayaa jiq noqonaya. Wasakhda halkaas taal ma inay aniga ii roon tahay ayaad moodeen? Waar dhiigii ayaa igu karay, waxa igu yaraaday quud iyo dawaba. Laakiin intaba waxaan u yeelay ee aan u adkaystay waxay ahayd in walaalahay wax bartaan oo naga daayaan hadaladan madhan. Maskaxow, shaqo culus ayaad haysaa. Wadnow sidaas oo kale. Carabow la mid. Midhicirow la mid. Dhego, Indho, San, Adimo, Lafo, Dhiig, Diir waar dhammaantiin waxaad wada haysaan shaqo muhiim ah. Laakiin midkiinna gooni uma joogsan karo. Midkiinna ma noqon karo ku ka maarma shaqooyinka ka socda kuwa kale. Weynu isku wada baahannahay. Muranka inaga joojiya. Hawsha dhankii haddii aad qabsanaysaan, anigana tayda igu haleeya. Haddii kale, maalinta dambena waan xidhi. Taas welibana dhakhso u furi maayo.
“Imika iyo furitaanka: hal shuruud ayaan idinka rabnaa. In Mudanaha loo yeedho. Loo sheego inaynu simannahay oo midkeen kuwa kale wax dheeri jirin. Magacuu doono ha la haadee, qaybta walaalkaa inay qaybtaada tahay. Yalla, maxaa la qabanayaa…”
Waxa la iigu yeedhay barxaddii lagu kulansanaa. Warkiibaana sidaas la iigu sheegay. “Aad ayaad ugu mahadsan tihiin inaad iga furateen hawshaas. Waanan ku boggaadinayaa, gaar ahaan Futo, inay muujisay caqli iyo karti aad u sarreysa. Imikana haddii aad i fasaxaysaan, waxaan u socdaa musqusha.”
Futo ayaa sii lahayd, “Waan garanayaa kolayba meelahaas ayaad ku qarsataane, iska xidha sankiina imika.”
Degdeg ayaan suuliga u galay, oo aan gundhiyey daboolkii godka saarnaa. Gacmo ayaa la booday surwaalkii oo goor suunka laga furay aanan garanayn. Maskaxdii ayaa u sheegtay jilbaha inay laabmaan, muruqyada taftuna ay is adkeeyaan si ay u xajiyaan miisaanka soo fool leh. Wadnihii ayaa garaaca badiyey oo dhiig badan u direy dhankaa iyo murqaha tafaha, ilaa dhabarka intiisa hoose ee xajinaya miisaanka. Waxa kale oo uu dhiig badan u direy Midhicir si uu u xoojiyo xafuujinta uu qashinka ku saarayo. Isla dhiigaas ayaa loo diray Futo. Sambabka iyo Sankii oo iskaashanaya ayaa neef badan qaaday. Dhiiga ayaa la raaciyey oo meel kasta degdeg lagu gaadhsiiyey. Diirkii ayaa isaguna kulkaa gudaha ka socda bannaanka ugu soo saaray kuullo yaryar oo dhidid ah.
Dho, dho, dho aaahhhhh!

Leave a comment