Murti & Wisdom والحكمة

Kala Duwanaanshuhu Waa Dahab

Ku: Golaha Tifaftirka Weedhsan.com

Ujeedo: War-Murtiyeedka Doodda Dhasha iyo Dhaqaalaha

Mudane,

Marka hore iga guddoon salaan la mid ah tii aad war-murtiyeedka ugu soo gudbiseen ka qaybgalayaasha dooda Dasha iyo Dhaqaalaha. Waxaan idiinka mahadnaqayaa sida dulqaadka leh, kartiduna ka muuqato ee aad doodaas usoo gudbinayseen. Waxa xusid mudan sidaad u fududeyseen u kala socdaalka aragtiyaha kala duwan iyo weliba taxii aad dhigteen oo sahlayey tixraaca.

Dhanka kalena, mudane, waan dareemi karaa arrimaha sababaya go’aanka gebagabeynta. Mar ahaan, mareegtu uma jirto, mana aha inaan idinka filno, in dooda nagu weyni oo keliyi meesha qabsato oo ay cabudhiso arrimaha kale ee iyaguba haddii aanay ka weynayn qaarkood, aysan ka yarayn. Waanan dareemi karaa culayska aad iska saaraysaan in qoraal dhaxalgal ah aad ka reebtaan doodan si ay u noqoto mid laga dheefo oo aan ku dhex lumin isweydaarsiga mid ra’yi qaba mid ku kale ka qaba.

Mudane, aniga iyo adiguba waxaynu ogsoon nahay in su’aal kasta oo culus, dhib kasta oo bulsho – ha noqoto mid deegaan, caafimaad, saboolnimo, qoys, maati, nabadeed, IQB – aanay lahayn hal jawaab oo keliya ee sidii bankii ay leedahay waddooyin badan oo midiba dhinac kugu hagto. Sii wadista doodani waxay iftiimanaysaa waddooyinkaas; waxay ilaynaysaa tubaha kasii farcama; waxay ina tusi kartaa halka waddadu derida ka leedahay iyo halka kale. Soo afmeeristeeduna waxay inagu hodi kartaa inaynu u qaadano in arrinta oo dhan aynu fahamnay iyadoo laga yaabo inaynaan fahmin.

Mudane, kala duwanaanshuhu waa dahab mudan in la qoto ee ma aha wax laga cararo. Dhambalka aragtiyeed waxa dhammaystiraa waa cid dhinac kale ka eegta. Sidaas darteed, waxa mudan inaan dhiirigelino qofba siday wax ula muuqdaan inuu cabiro ee aynaan ka raadin xal “isla qaadashada.” Haddii aan taas idhina, kolayba garawshiiyo dalban maayo. In waxa toosan laga garaabaa waa gar geesiga/geesiyadda uuni garan karo/karto. Labadase doodaya waxa u dhexeeyaa waa midba inuu gartiisa dhiibto. Ka kale inuu ka garaabo ma aha shaqadeena.

Intaas waxa dheer, iyadoo doodani tahay ugub. Intay jirtaayiba waa wax ka yar bil. Dadku markay in badan la seexdaan aragti, waxa ku dhasha aragtiyo cusub. Haddii doorkan la xidho dooda, fursad u heli mayno aragtiyahaas aan dib uga godlino.

Dhanka kale, dooda weli waxa ka maqan kuwii ugu saamayn badnaa arrintan – waa haweenkee. Mudane, waxay arrintani noqon naanays iyadoo hal ruux oo haween ahina ku jirin in inteenaas oo wada rag ahi ka hadlaynay arrin ay haweenku inooga jajaban yihiin. Ilaahay baa ina dilayee, aniguba ma akhristeen dood ku saabsan dhalmo oo bilaa haween ah.

Haddaba, sidee xeego xeego ku noqon kartaa ilkana ku nabadgeli karaan? Arrinta ugu weynayd waad xaliseen mar haddii aad dooddaas u furteen afaaf gaar ah. Xilkii idinka saarnaa gudbinta iyo habaynta dooddaas waad u hagar baxdeen. Ka sokow ilaaalinta anshaxa iyo edebta dooda, waxa inoo wada qabyo ah, gaar ahaan weliba inta danaynaysa inay ra’yi ku biirsato doodan, hufidda dooda. Cidda ka qaybgelaysaa waa inay kaga qaybgasho laba arrimood midkood: (1) Inay keenaan ra’yi cusub oo ku qotoma nuxurka dooda; iyo (2) Inay ku kordhiyaan daliil ama faham cusub oo taageeraya ama kasoo horjeeda qodobada ugu muhiimsan ee dooda. Waana ilaalinta qodobadaas ta aan is leehay Weedhsan way mudan inay kaalinteeda ka qaadato.

Guntii iyo gebogebadii, Weedhsan waa inayna ka baqan waxa dad badani ka baqaan oo ah haddii la is weydaarsado aragtiyo kala duwan inay muska la jiidho. Way dhici kartaa oo dammaanad kama bixin karo. Laakiin haddii musas yaryar maanta laysla jiidho oo lagu badbaadiyo kuwa ka waaweyn in beri la isla jiidho, saw taasima kama roona?

Mudane, waxaan mar kale idinku bogaadinayaa hawsha wanaagsan ee aad haysaan. Waxaanan idinku dhiirigelinayaa inaydaan kasoo waaban ee hore uga sii socotaan. Waxaan si gaar ah idiinku boorinayaa in aad dhallinta iyo dadka kale ee danaynayaba u daysaan inay doodu socoto iyadoo anshaxa la dhawrayo, curis kastoo cusubina soo kordhinayo waxaan cidi hore u hayn ama kabaysa fahamkeeda iyadoo dhinacyo kale inaga tusaysa ama daliilo keenaysa.


Comments

Leave a comment