Doodda ay curisay qormadii Axmed Deeq ee Ubad badan uma baahnin, waa mid xiiso badan ku dhexfurtay saddex-xagalka adeegsiga aqoonta, caqliga, iyo diinta. Waxa xiisahayga balbaliyey intaan laga qorin iyo cidda aan ka qorin. Halkaasaan is leehay, intii Eebbe karti kuu siiyo, ku dar.
Aadamigu dheeli ma waayo. Arrimaha nolosha ee murugsani waxay ku dhaliyaan dadka qaar in xal madi ah ay miciin bidaan taasoo laga dhaxlo xal-beenaad laabta dhisa laakiin aan waxba tarin. Waxa aan laga qorin iyo cidda aan ka qorin intuba waa dheeliyada doodan ku jira. Waa dheeli ay ka siman yihiin inta dhiirinaysa dhalmada, dhimista, ama dhufaanba.
Tirada qormooyinka kusoo arooray doodadni waxay hadda marayaan wax ku dhaw labaatan. Waxaanse ka xumaaday haweenka dooda ka maqan. Laba jeeraba waan ka naxay in ragga oo keliya lagu halleeyo. Ugu horreyn, waxay astaan u tahay sida go’aamada qoyska iyo su’aalaha aasaasiga ah (sida dhalmada) weli loogu halaynayo labka. Guraca arrintani waa in haweenkeenu noqdaan qaateyaal aan curin xal. Waa ta labaade, waxa dhalinta meesha ku dooday si dadban iyo si toos ahba iskula qirteen masuuliyad-daradda ragga. Haddana imika ma waxa lagu eegi qayrul-masuulkaas inuu ka taliyo in la dhalo kalkan, kal dambe, ama kolnaba?
U kaalay waxaan laga qorin. Su’aasha la rogrogayo waa: miyaa la iska daayaa in la dhalo? Su’aashaas waa la igala mudan yahay. Isweydii: maba la dhalaa carruur? Malaha waa halka uu Axmed Deeq kasoo aroorayey. Malaha aniga uunbay ila mudan tahay. Waxayse labadu ku kala duwan yihiin midba waa halka uu asalka ka dhigayo – nolosha aadamaha ma waxa asal u ah in qofku tarmo mise inuu noolaado? Qof kasta oo dhashay, ma tarmin. In ka mid ah ayuunbaa tarantay. Sidaas darteed, ta mudan ee horreysa waa nolosha; haddii aad taran ku dari kartid, nasiibkaa weeyee mahadnaqqa badso.
Dooda laga horkeenay ka fiirsiga dhalmadu waa mid lagu naanaysay fulay-risiq. Way dhici kartaa. Laakiin sida taasi oo kale, ayey badinta dhashuna u tahay fulaynimo. Ubadka waxaynu ka dhiganaa caymiskeena timaadada. Waa halkii Soomaalidee, “Aakhiro luxudka laguu dhigi maayee, ifkaa wax la isku yahay.” Kuwa hore fuleynimadoodu waa korriinka ubadka; kuwa dambe fulaynimadoodu waa xanaanada talax-gabaha. Yaan la isku cabsiin midbaa fulay ah.
Ta kale ee aan laga qorin waa sida daliilka Quraanka ee la keenay ugu kooban yahay dil carruureed. Kamase hadlayo qorshe dhalmo. Ilma nool ayey ahayd waxay aasi jireen Carabtii reer Xijaas. Umana malaynayo Axmed Deeq inuu ka hadlay ilmo nool, xataa uur-ku-jir ha ahaadee. Haddiise inta aayadaas toos u daliishanaysaa damacdo inay ilmaha ku fasiraan kuwa aan xataa weli ka gudbin biyo iyo ugxan, waa dood kale.
Inta Nebiga (NNKH) laga soo weriyey ayaa toos uga hadlaysa arrinkan, kuna tirtirsiinaysa dadka dhisme qoys iyo dhalista ubadka. Inkastoonan garanayn anigu sugnaanta werimahaas, laakiin intii aan taariikhda nolosha Nebiga (NNKH) ka bowsaday way is leeyihiin. Si la mid sida arrimaha nolosha iyo diintaba guud ahaan, hadalkaas laftiisa waa in loo meel dayo. Mar waxa la hayaa Nebiga (NNKH) oo asxaabi ka cawday faqri kula taliyey inuu labaysto halka mar kalena uu ka dalbaday Cali Binu Abii Daalib (Eebbe raali haka noqdee) inuu furo Faadumo (ERHN) haddii uu rabo inuu la guursado gabadhii uu dhalay Abu Jahal. Taas waxa dheer sidaan fukuc ugu nidhaa daliilka, mise qiilka, waxyaabaha aan jecelnahay ee odhaahda Nebigu (NNKH) ka keeno Eebbe inoo waafaqdo, sida kuwa iyagoon daryeelin xaasaskoodii hore ku marmarsooda Ilaahaybaa noo banneeyey.
Maxamed (NNKH) wuxuu ku faanaa waa qof iimaan wanaagsan leh isla markaana fuliyey intii karraankiisa ahayd oo bilaa hagar ah wixii dhambaalkii kasoo gaadhay. Sidii Nuuxba (NNKH) loogu sheegay inankiisii in aanu ahayn dadkiisa, ayaanay Maxamedna (NNKH) kaan rumayn iyo camal wanaagsan la iman uuna dadkiisa u noqonayn. Ma uur-ku-taallo ayaan u kordhinaynaa? Ka aan isagu kasoo bixin shanta waajibaad ee tiirka u ah Islaamnimada, ka aan dadka iyo noolaha kaleba ka nabadgelin, inuu dhal badiyo maxaad ugu dhiirin?
Aan ku noqdee, Quraanku wuxuu ina tusayaa dadkii wanaagsanaa ee ubadna rabay sababta ay u rabeen. Waari mayside war (abtirsiimo) hakaa hadho kamay ahayn. Natiijo dareenka jinsigu keentayna may ahayn. Yoolkoodu ka fog. Suuradda 19aad ee Maryama, Sakariye (NNKH) wuxuu Ilaahay weydiistay in la siiyo cid dhaxasha isaga iyo ehelkii Yacquub (NNKH) oo Ilaahayna raali ka noqdo. Dhaxalka diranayaasha Eebbe lagala hadhaa waa aqoon iyo hanuun. Inteena adduunyadu ku weyntahay, ayey la weyntahay in cid magacaaga ku abtirsanaysaa dunida kusii hadho. Markaadse ogtahay in la inoo wada abuuray inaga iyo waalidadeen, inaga iyo ubadkeena, si isku mid ah, Ilaahayna uusan u baahnayn cid ku dhasha si uu dunida kuu keeno (bal eeg Aadamba (NNKH)) waxan kula ridan way kula yaraanayaan.
Arrinta kale ee aan si fiican looga doodin waa sababta loo guursado marka horeba. Baahiyaha qof u qabo lamaane way ka badan yihiin ubad la dhalo. Qalad ha iga fahmin: dhalmadu inay muhiim tahay shaki kama yaal. Sidoo kale, baahiyahan kalena waa muhiim. Mid ka mid ahi waa mid jinsi. Guurku waa heshiis sharci oo lamaanuhu ku daboolaan baahidooda jinsi. Baahi kale oo guurku inoo daboolo waxa ka mid ah ku biirista bulsho ka ballaadhan ehelkaagii. Wiilka iyo gabadhu waxay isku tidcaan laba qoys oo aad u kala duwan. Qurux kale ayaa halkaas kasoo baxda. Kaalinta lamaanuhu isugu jiraan ee isku-qarsiga sheekooyinkooda iyo hamiyadoodu waa sabab kale oo miisaankeeda leh. Midba wuxuu madadaaliyaa, weheliyaa, koolkooliyaa ka kale ra’yigiisa, waxqabadkiisa, hamigiisa, iyo talooyinkiisa. Mana aha wehel uu kuu gudi karo mid kale oo kula jinsi ah si kasta oo uu kuu fahamsan yahay, illeyn labadaada gacmood oo wada midig ah waxa ka roon midig iyo bidixe. Haddii aad togan tahay waxaad u baahan tahay mid taban oo aad wada shidaan tiriiga nolosha. Haddaan taban tahay, waxaad u baahan tahay mid togan oo tabaalada adduunka kula toosiya.
Dooda Axmed, anigu sidii aan u fahmay, waxay daaran tahay maasuliyaddaas iyo waajibkaas. Mana mudna in loogu soo halqabsado dad iyaguna fikirey beri hore oo si wax isku tusay. Inaan ku dambaabno ma aha halka Axmed fikirka ka keenay. Haddii uu xataa halkaas ka keenay, waxba kuma jabna. Ninkaas hortiina waa laga qorayey arrinta ubadka saboolka ah. Dabadiina waa laga qoraa. Haddiise aynu ku naanaysno dadka fikirkooda waxa dhacaysa inta yar ee fikiraysa in iska casisho hawshaas.
Axmed Deeq wuxuu ku ambabaray culayska masuuliyadda ubadka iyo dhibta ku jirta dayicisteeda, iyo inta maanta ku dayacan dalkeena. Axmed wuxuu inagu xujeeyey intaynaan cid kale kusoo kordhin, intaynaan kordhin masuuliyadeena, intii hore inaan kasoo baxno. Markaas ayaa la qiimayn karaa hadalka “ha guursanina” ka bilowday ee aad loo soo xigtay. Waanan ku raacsanahay inaan la guursan haddii aanad qaadi karin masuuliyadda qoyska. Waanan ku raacsanahay inaan la dhalin haddii aanad masuuliyadda ubadka qaadi karin. Haddii aad dhashana, inaanad badsan masuuliyadaas ayaan raacsanahay. Arrintu ma aha biil oo keliya.
Dhanka kale, dadka Axmed Deeq ka mid yahay ayaa u qalma inay guursadaan, ubad dhalaan; haddii ay u suurtowdo inay xaasas badan yeeshaanna, ha yeeshaan. Waan arkaa inay hablaha qaar iga boodayaane, inaad nin xun ooridiisa keli ah u noqota ayaa ka daran inaad nin wanaagsan ooridiisa afraad u noqotid. Haa, Axmed Deeq iyo dadka sidiisa masuuliyadda uga didaya, waa kuwa ubad badan inay dhalaan aan u baahannahay. Waa kuwa ilmaha masuuliyadda ka saaran gartay.
Gunaanadkii sheekada, dhalista, dhimista ubadka, iyo dhufaanku ma aha mid qardhaas guud bulshada oo dhan looga qori karo. Qofba xirsigiisa goonida ah weeye, ama “adi lee waaye.” Haddii la rabo in halka itimaalku u badan yahay talada loo badiyo, mar haddii la isla raacay in raggii qayral-masuul u badan yihiin, aragtida Axmed Deeq ayaa saxa ugu dhaw. Laakiin isku qaadkaasi wuxuu inaga indho tirayaa inaan kala soocno kuwa qaadi kara masuuliyaddaas iyo kuwa aan qaadi karin. Baahiyaha kale ee loo guursado qaarkood ayuu kolay qof waliba qabaaye, haku daboosho sifahaas xalaasha ah. Haddii kale si aan sharci ahayn, anshaxa bulshadana iyo isku xidhkeena midna u roonayn ayeynu sidii xoolaha…

Leave a comment