Murti & Wisdom والحكمة

Bulsho kasta, tarxumaa ku jeclaysiin; tarsamena wuu ku nacsiin. Xumaha iyo samaha ku ladhan tarku waa sifaha tayo ama tiro ee ay leeyihiin bulshadaas labkeeda iyo dhedigeedu. Bulshadu waxay ku wada nooshahay taranka, mid bidhiiqiya iyo mid badsadaba, mid wanaajiya iyo mid wakiyaba, ay isku biirshaan xubnaheedu. Sidaas darteed, caqliga caadiga ahi wuxuu ku siinayaa in ciddii aan wax ku kordhinayn sadka bulshada, waa tarxumee, aan loo hagarbixin illeyn waa dulsaare. Haddaan sidaas la yeelin, tarxume wuxuu tar-shaasheyn karaa tarsame – siiba haddii aanu tardoorin. Markase loogu dulqaadato , waxa la isweydiin karaa in tani ku quman tahay tarsame.

Malaha bulshadu waxay ka rajo qabtaa in tarxume ku baryo tardhaama kiisii xataa haddii uu lahaa sooyaal dheer oo tagxun. Haba u wadaan tarxume koolkoolinta iyo malaha san. Laga yaabe in malahaas qaybi ka rumowdo. Inta kalena, waa kharashka loo galay tayeynta tarka qayb ka mid ah bulshadaas. Taageerada koowaad ee tarxume waa inaan la dayrin. Waxa loogu daray in la hamadgelino oo lagu dardarsiiyo waxqabsi. Laakiin sideen u ilaalinaa tarsamayaasheena?

Sida muuqata, bulshadu ulama koolkooliso hawlaha iyo aragtida tarsame si la mid ah sida ay ugu hagarbaxdo tarxume. Sidaas darteedna, waxa garbaheena liiciyey culayska dembi ee inaga saaran inta tarsame taageero la’. Dembigeena koowaad waa inaynaan ku taageerin talada tarsame. Ka labaad waa inaynu naaneyso iyo ereyo deelqaaf ah ugu bixino taladaas; haba ku darin tirada in aynu ka hormarino taageerooyinka aynu u fidino tarxume.

Ma aha arrintani ceeb bulshadu leedahay. Waa cadadeeda. Umana gooni aha bulshadeena. Waa laga yaabaa inaynu bulshooyinka qaar ka badsano, qaarna kala mid nahay, halka qaar kalena ka yaraysano. Wanaag iyo xumaan bulshadaas ama teena lafta kaga jirta ma aha ee waa gedgedoonka waayaha bulshada. Isla kuwa aan ka yaraysano waxa la arkaa inaynu shalay ka badsanaynay. Haddaba, waxa aynu u baahanahay in aan abbaarno ma aha bulshada, ee waa aragtiyaha kolba qaalibka ah ee bulshadu ku shaqaynayso. Haddii kuwaas wax iska bedelaan, bulshadu way is bedelaysaa. Haddii kale, isbedel ma leh marka laga reebo haddii duruufaha guud ee ku xeeran is bedelaan. Tusaale fiican waxa u ah shan qof oo saf ku jirta haddii safka loo jeediyo gadaal, kii ugu dambeeyey ayaa ugu horreyn. Ma aha karti uu ku dhaafay intii kale, waxase isbedelay duruuftii safka. Tani dambe waxay ku xidhnaanaysaa sugista duruuf aanad ku lahayn saamayn toos ah.

Abwaankii indheergaradka ahaa ee Xasan Sheekh Muumin (AUN), ayaa waxa laga sheegay inuu dadka weydiin jirey “Haddii lagu yidhaa kala dooro libaax iyo dameer mid lagaa dhigo, keed dooran lahayd?” Waxa la sheegay in sida badan jawaabta uu helaa ahayd, “Libaax.” Markase Abwaanku weydiiyo sababta ayaa qofba meel ula foofi jirey. Geesinimada, xoogga, iyo boqornimada xayawaan ee u duushay libaaxa ayey dadku ugu dagan jireen su’aashaas. Sidaas oo kale ayaa hayinnimada, iska-dhicin la’aanta dugaaga, iyo magaca doqon ee dadku ugu naanayseen xayawaanka dhexdooda ugu dagan jireen qiimiga dameerka. Xasan markaasuu si uu u fududeeyo halxidhaalihiisa ugu sheegi jirey tilmaan, “Bal mid waliba tiri faa’iidooyinkiisa.” Tarsamida dameerku dheeryahay libaaxa ayaa markaaba si fiican u muuqan jirtey. Qofkii rabay in libaax laga dhigo oo dameernimada ka jeclaysanaya ayaa sidaas kaga hoyan jirey.

Su’aasha indheergaradku inoo fududeeyey waa maxaynu wax ku qiimeynaa: ma tarka qof ama wax kaleba leeyahay mise tunka ku yaal qurux iyo quwad wuxuu leeyahay? Inkastoon la dafiri karin in libaaxuba meelo kaga roonyahay dameerka, laakiin nolosha joogtada ah ayuu dameerku ku tardhaamaa waana sababta su’aashaasi aragtida dadka u bedeshay.

Dhibaha ugu weyn ee bulshada ka haysta tarsame waa aqoonsiga inuu tarsame yahay waxa uu sheegtay. In badan oo tarsameyaal ah ayaa loo dayacay kadib markii ay u ekaadeen tarxumeyaal. Taasina ma aha ceeb ay bulshadu iska leedahay. Inta ilhaansan iyo inta irkata caqli mooyee, way adag tahay in la kala garto ta san iyo ta xun. Sabirka oo ah seeska guusha ayaa mararka qaar iska noqon kara doqontii qiiqa daamanka ka leexleexinaysay. Degdega oo ah surginta burburka ayaa isaguna noqon kara mid naf lagu badbaadiyo haba noqoto raran aad cagaha kala boodide. Inaadse kala garato marka sabir aad guntanayso iyo markaad degdeg ugu boodayso arrin ayaa ah garasho qoto dheer.

Isu ekaanshaha labadooda oo marka horeba jirey waxa sii culaysiyey tarxume oo sheeganaya inuu yahay tarsame. (Halkan kaga hadli maayo dhayal-ugu-dhawaaqa xilalka ee bulshadu sidii naanayso kaftan ah isugu dhiibto. Taasi waa dood kale: mar kale, meel kale.) Waxa kasii daran inaan la isla eegi karin wixii cid sheeganayso – kii “ka daa” la yidhaaba, kuwa kale ayaa difaacaya intaanu isaguba hadal. Waa cayniga bulshooyinka. Yaa ku dhib qaba naftii-caleemo-saarka?

Sannadahan dambe wacdiga kor u qaadista hanka naftu wuxuu marayaa meelihii ugu sarreeyey. Habka dhaqandhaqaale ee dunida badankeedu qaadatay ayuuna salka ku hayaa oo hanti goosiga waxa ugu weyn jiritaanka han weyn (waa gacantii qarsoonayd ee Aadan Ismiidhkii Ingiriiska ahaa kaga hadlayey buuggiisii Hantida Umadaha) oo qofku ku raadsho hanti u gaar ah. Hankaa weyn iyo bilkeedinta nasiibka qofku waa kuwa keenaya in inta ugu badan ee dadku ku foogaanaadaan shaqooyin – kuwo ay abuurteen ama ay cid kale abuurtey. Nidaamkan oo aan aqoon ereyga dhereg wuxuu markasta buufinayaa hankaas.

Dadkeenuna waxay soo xigteen wacdigaas oo aad uga muuqanaya meelo badan. Hawlaha aan la isku hambaynayn ee laga hormarinayo cidda magaceeda qaadanaysa cidda maali taqaan ayaa tusaale wanaagsan u ah. Hebel in lagu xariiqo ayaa laga jecel yahay hawsha quruxdeeda iyo wanaageeda. Suufigii misna murtida iyo suugaanta malabka ah lahaa ee Jalaaludiin Maxamed Bakhli, ee ku magacdheeraa Ruumi, ayaa laga hayaa sheeko xariir cajiib ah oo aan kusoo koobi karno sidan:

Beri hore oo tukhashadu caan ahayd ayaa nin soo galay goob dadka loogu tukho. Ninkii wuxuu dalbaday in loogu tukho si dhibyar, laxaw yarna garabkiisa. “Maxaad muuqaal rabtaa inaan jidhkaaga ka daldalooliyo?” ayuu weydiiyey kii tukhayey. Wuxuu doortay libaax dhiida haya oo uu ku sheegay burjigiisa.

Markii la bilaabay shaqadii ee irbadii ugu horreysay lagu turqay ninkii ayuu laxaw la booday. “Meesha waad igu dishee, maxaa baas ee aad tukhaysaa?”

“Waa libaaxii, sidaad rabtay adigu.”

“Libaaxoo qaybtee ah ayaad imika tukhaysaa?”

“Waa dabadiisii.”

“Iska dhaaf dabada. Intaad tukhaysay dabadaas libaaxa waaban ku suuxi gaadhay. Maad ii tukhdid libaax bilaa dabo ah?”

Sidii buu yeelay. Markii uu haddana hawsha ka bilaabay dhinac kale ayaa haddana ninkii qaylyey oo uu weydiiyey qaybta la sawirayo. Waxa loo sheegay inay tahay dhegihiisii. Iyagana wuxuu amray in la joojiyo laxawga dartii. Sidii ayuu haddana ku joojiyey oo uu ku bilaabay qayb kale. Iyadana kamuuba raagine ninkii wuxuu haddana weydiiyey, “Addinkeed imikana tukhaysaa?”

“Waa calooshii.”

“Caloolna muxuu ka rabaa iska dhaaf.”

Kii tukhayey oo yaab afka gacanta saaray ayaa yidhi, “Qofna maku arkay dunidan libaax aan dabo, madax iyo calool midna lahayn? Waaba mid aan la mid ahayn inta Eebbe uumay.”

Astaanta geesinimo ee libaax inaad sudhato garabkaaga ama naanays ka dhigato waa shay bulshada dhexdiisa ku qurux badan, laakiin waxa ka soo horreeya inaad usoo martay laxaw la mug ah astaantaas. Sheekada kore, ninkaas xataa wuxuu u dulqaadan kari waayey, iska dhaaf halyeynimo meel kale uu ka muujiyee, turqinta irbada yar ee aan geesinimada badan uga baahnayn. Haddii aanad laxawgaas soo marin oo aanad usoo dhabar-adaygin, naftaada iyo nafaha kaleba waxaad ku tahay luggooyo.

Inaad hiigsato, iskuna daydo inaad gaadho dadka wanaaga kaaga dheereeyey waa wanaag. Arrintase mudani ma aha inaad yeelato xil la magac ah xilalka ay qabteen, ama maamuus la mid ka ay heleen; waase inaad soo saartid midho la mid ah kuwa ay soo saareen. Ayaandaradda maanta taal waa iyadoo ay badatay raadsiga iyo bixinta maamuus bilaa midho ah.


Comments

2 responses to “Midho iyo Maamuus”

  1. Mahadsanid Maydhane. runtu sidaas ayay u dhowdahay, maamuus bilaa micno ah waxa ka roon milgo bilaa bilaa magaca…

    1. Mahadsanid DAL-JIRE. Si fiican erey murtiyeed uga soo dhex saartay

Leave a comment