Qormada Aamina Muuse Weheliye ee magaceedu yahay Meherkayga i sii waa qumbulad ku dhex qaraxday bulshada Soomaaliyeed wakhti ku haboon. Halkan anigu dib ugu celin maayo wixii Aamina sheegtay, laakiin waxaan jecelahay inaan ballaadhiyo soohdinta ay ka hadashay. Ballaadhintaasi waxaan u arkaa inay lama huraan u tahay helitaanka qoys wanaagsan oo unug u ah bulsho isku tolan.
Markii ugu horreysay ee aan ku baraarugay godobta meherku waxay ahayd muddo imika laga joogo dhawr iyo toban sanno oo mocoyday geeryootay (AUN) iyadoon calfan meher wixii loogu ballanqaaday. Qoyskayaga waxay ku noqotay kedis inkastoo mocooyo ay muddo dheer noolayd. Markiiba waxa la biday miciin culimada sidii awowgay (AUN) looga bixin lahaa maadaama meherkii uu ku ballanqaaday in ku dhaw 50 sanno ka hor uu qiimaha maalinta ay dhimatay ka noqonayey jajab. Intaas wixii ka dambeeyey waxa ii bilowday inaan u fiirsado deymaha meher ee qoysaska aan aqaan u yaal iyo caqabadaha hortaagan in la iska bixiyo.
Dhibtani badi waxay soo bilaabantaa maalinta la is mehersanayo. Rag badan ayaa ku guursada hablaha meher aanu awoodayn maalintaas iyo dhawaanahaas toonna. Kuwii awoodi karayeyna lama iman niyad iyo go’aan kasoo go’ay oo ay ku rabaan inay ku bixiyaan. Qaar ka mid ah ayaa iyagu ogaan hoos ugu dhiga qiimaha meherka iyagoo ragganimadooda ku muujinaya laakiin aanay ka ahayn inuu kula gorgortamo qiimo uu awoodi karo. Taas waxa caddayn fiican u ah kuwa badan ee sidaas yeelay isla markaana aan iska bixin wixii ay ku gorgortamayeen wakhtiga dheer. Waxase ugu daran kuwa ku marmarsooda in haweenkoodu aanay ka aqbalayn xataa haddii ay siiyaan meherkooda.
Haweenkuna dhibtaas ayey kusii shideen baasiin maadaama aanay ka hor keenin wax hadal ah oo ay ku dalbanayso meherkeeda. Aamusnaantooda ayaa loo qaatay inay sidani tahay siday wada rabaan. Laakiin aamusnaan kastaa ma aha raalli. Markayse talo faro ka haaday waxay noqotay markii qaar badan oo ka mid ahi is yidhaahdeen mar haddii aan lagu siinayn qiimaha aad qabsatid miyaad sheegatid uun wax weyn oo af-ka-sheeg u roon. Nasiib darro, iyaguna ma mahadin: kuwa ku aqbalayna waa kuwii aan rabin inay bixiyaan, kuwii bixin lahaana, waa haddiiba ay jiraane, waxa eryey qiimaha.
Hiilkii haweenku ka mudnaa culimadana kamay helin. Kaaga darane, iyagaaba eeda la saaray. Guurka yaraaday waxa eeddiisa dusha laga huwiyey haweenka oo lagu sheegay inay qaali ka dhigeen qiimihii meherka. Ayaandarradu waxayse ahayd markii wadaadadu arki waayeen culayska ay leedahay in aan haweenka meherkooda, qaali iyo raqiis toona, karti iyo la’aanteed toona, aan la siinayn. Sidii aanay intaas hore oo dhami ku fillayn ayey wadaadada qaar boogtii ugu dareen dhegaxumo – oo xataa go’aankii Ilaahay u daayey haweenka ayey farahooda la doonteen. Waxa dhawaan meelaha qaar lagaga dhawaaqay qoondaynta qiimaha meherka (Soomaalilaan oo dhawaan ahayd iyo Jabuuti oo ka horeysay in badan).
Fududeynta Guurka
Bulsho sideena oo kale u aaminsan qalooca sinada iyo ubadka aan xalaasha ahayn inay u fududeeyaan xubnaheeda inay si xalaal ah u daboolaan baahidooda jinsiga, ta ubadka, iyo ta xididintaba (ama xidhiidhinta qaybo kala duwan) waa xil culus oo saaran dhammaan, si gaar ahna ugu dhacaya inteeda majaraha haysa ama garawshaheeda leh. Xilkaas kuma eka oo keliya in la dhiso qoysas ku taagan findhicilo, ee waa in ay bulshadu ka adkeeyaan seeskooda si kolba inta darka kusoo noqonaysa aanay u badan.
Haddii hadalkaas aad u fiirsatay, waxaan afka ka dhawray inaan ku tilmaamo qadaf ay si gaar ah u leeyihiin inta darka kusoo noqonaysa. Lammaane midba iskii u wanaagsan yahay ayaa isa seega. Lab iyo dhedigba waa in loo fududeeyaa in mar labaad, saddexaad ama ka badanba ay ka cugtaan…
Fududeynta guurkuse, mid cusub iyo mid celis ahba, wuu ka sino-ballaadhan yahay qoondaynta qiimaha meherka. Culayska meherku waa culays dhaqaale, laakiin sidoo kale waxa buuxa culaysyo dhaqaale oo farabadan oo aan looga hadlayn sida ka meherka oo kale. Xafladaha iyo damaashaadka aroosyadu waxay culays badan ku hayaan dhaqaalaha qoyska cusub ee dhismaya, waxayna ka horjoogaan qoysas kale inay dhismaanba. Agabka guryuhu, inkastoo ay yihiin hanti reerka u hadhaysa, waa culays kale gaar ahaan marka la wada doono in sarriir isku mid ah laga wada tooso. Diiqada lagu celinayo dhaqaaluhu waa mid iyaduna u baahan in dib looga fiirsado. Iyo qaar kale oo badan…
Halkaas aan u yeelo afeef. Anigu kama soo horjeedo xafladda, agab fiican, iyo wixii wanaag ah ee gacalku isweydaarsanayo. Waxaanse kasoo horjeedaa waa wixii xad-dhaaf ah ama ku yimaad is-barbardhig. Markasta oo lagu fogaado damaashaadku waxay weydaynaysaa dhiilka yar ee dhallinyaradu dhiteeyeen. Waxana haboon in loo isticmaalo dhiilkaas wixii raagaya. Dhibtase kaa kasii daran waa in rag iyo haweenba la irkado in laga qiyaas qaato dad kale oo kaa duruuf iyo damacba duwan. In gabadhu ku xisaabtanto waxa qayrkeed alaab iyo xaflado lagu maamuusay waxay nusqaan ku tahay caqligeeda. In wiilku ku barbardhigo kartidiisa ta wiilasha kale ee ay u suurtogashay guur ka jaban kiisa, ama marsiiyey alaab ka qiimo jaban, amaba… waxay nusqaan ku tahay caqligiisa.
Sidaas darteed, haddii aynu rabno in la fududeeyo guurka waa inaynu kobcinaa caqliga wiilka iyo gabadha oo aan tusnaa waxa qiimaha leh inayna ahayn dufan wixii ka muuqda diirkiisa ama diirkeeda ee ay tahay wixii dhaqan uu ku subkaday ama ay ku subkatay. Waa inaynu tusnaa in qiimaha qoysku ku jiro fududeynta nolosha ee aanu ku jirin nolol qofku isku ciriiryo iyadoon cid kale ku ciriiryin. Waa inaynu tusnaa in macaanida hurdada aad seexanayso aanay ku xidhnayn qiimaha lagaa siiyey sariirta ee ay ku xidhan xasiloonida qalbiga iyo helista meel dhinac qabad leh.
Meherka Deynta Ah
Haddii bulshadu u haysato in meherku kurbadiisu ku eg tahay gole-fadhiisiga, mar labaad ha u fiirsadaan qoysaska deyn mehereed isku leh. Wada jooga faraha badan ee noloshu wuxuu keenaa in xurguftu la badato gaar ahaan sannadaha hore ee midba ka kale jidhif-tirayo. Mararka qaar ayaa lamaanahaagu garan waayayaa suruca kugu kacay; adiguna sidoo kale. Sida lagaga bixi karo arrintaasi waa in wanaag la iska malaysto si dulqaadku u fududaado. Haddiise deyni meesha ku dhex jirto waxay halistu tahay in lamaanuhu kala malaystaan waxa midba ka maagan yahay deyntaas.
Ma aha wax lala yaabo in haweenayda aragta in ninkeedu u dhaqmayo si aan sidiisii ahayn ay ka fikirto inuu rabo furriin laakiin uu raadinayo siduu uu iyada ugaga keeni lahaa “I fur” si aan loo weydiin meherkeedii. Haddii marka horeba uu ku ballanqaaday inuu bixiyo meher qaali ah oo aanu goynayn, dhaqankiisiina ay ka muuqato inuu xiiso-dhacay, maxaa u diidaya inay sidaas u fikirto? Iyadana waxa ku dhalanaysa inay is giijiso oo ay isku daydo in ay isaga ku kelifto inuu hor yidhaahdo “Waan ku furay.” Sidaas darteed, halkii dhibta runta ah ee reerka laga xalin lahaa waxa lagu mashquulsan yahay car waa keena ka kale kaga hor keena dalabka furriinka!
Nasiibdarro, waxay tani inta badan u daran tahay haweenka. Gurijoognimada ay u badan yihiin haweenka Soomaaliyeed iyo naxariista ay dheer yihiin raggoodu waxay u keentaa jileec badan oo inta dhib culusi ku gaadho ugu dambayntana ay iyaga uuni ku khasbanaadaan inay hor dalbadaan “I fur,” sidaas darteedna loo duudsiyo xaqii ay u lahaayeen meherka (ileyn markooda horeba xumaan ayaa lagu gaadhsiiyee).
Bixinta meherku wuxuu meesha ka saarayaa in labada qof iska malaystaan male xun. Wuxuu meesha ka saarayaa in midkiin u maleeyo, marka uu ka kale fahmi waayo, “Muxuu sidan u samaynayaa? Ma kharashkii meherka dartiisbaa?” Wuxuu helayaa qof waliba niyad degan oo indhaha ku shiishta inuu qofka kale fahmo isagoon soo xasuusan xil ka saarmi doona haddii uu go’aan heblaayo qaato iyo haddii kale.
Gundhig
Anigoo ka rajo qaba in inta aanay gaadhin sharciyo adag (inkastood moodo inaynu ku caan baxnay sharciyo aan la fulin ama lagu fuliyo xulasho) oo laga soo saaro arrimahan in ay wax hagaagaan ayaan gundhiga hadalkayga ugu koobayaa ragga iyo haweenka xaaslayda ah. Waxaan ka afgaabsaday bulsho weynta oo iyadu wax badan ka tari lahayd arrinkan anigoo doorbidaya in lamaanaha arrinkooda iyaga horta lagu daayo.
Ninka gaasiray xaqqii koowaad ee ay xaaskiisu ku yeelatay inaanay garayska u furanin ma aha mid lagula yaabo gabadha. Haddiise ay u furatay, iyaduna la yaab ma ahee waa wanaag iyo naxariis ay dheertahay. Waxase marnaba caqli fayow ka yeeli karin in gabadhu magansato dahab iyo doolar, intuu dooni qiimigiisu ha noqdee, ee uu ku ballanqaado odaygeedu maalinta meherka. Haddii aad rumaysan tahay in aanu ku furi karin odaygu marba haddaanu maanta bixin karin meherkaagii waxaad xidhiidhkaas ku soohday dun caaro – illeyn qiimaha maanta kugu weyn berri wuxuu noqon karaa kharashka maalinlaha loo isticmaalee. Laakiin haddii dunta isku kiin tolaysaa tahay tahay kalgacal, qadarin, dulqaad, run, IWM, Allow ma magansatay gaashaan culus!
Dhanka kalena, haka dhigan qiil in meherka aad rabto inaad ku yeelato si haddiiba ay dhacdo, Ilaahay kama yeelee, inaad wadaadka kala faataxaysataan wixii baylah ah ee markaa kugu beeganta aad ku dabooshid. Sida marar badan dhacdana, baahiyahaasi waa kuwo lugta ku haya wixii carruur ah ee gacanta ay ku qabtaan haweenku. Ugu horreyn, ragga waa in lagula xisaabtamo masuuliyadooda oo ay ku jirto daryeelista qoyska marka lamaanuhu kala tegaan. Inaanay sidaas inta badan u dhicin waa la isla wada ogsoon yahay, iskaashi dhab ah ayeyna uga baahan tahay in laga sameeyo, kaasoo ay hormuud u yihiin haween raadsanaya xaqqoogii, iyo qaybaha kale ee bulshada ee fahamsan xaqqaas.
Markase intaas laga yimaado, haddii ay cabsi intaas le’egi jirto, marka hore ee aad weli isku cuddoon tihiin hantidaada gooni ka dhig si maalinta cadhada leh aanay hadal kale u curin. Ninka haqabtirka baahida ubadka idin dhexyaala ku xidhaya soo hoyashadiisa waxaad ugu aaminayso in uu meherkaaga bixinayo maalin aanu soo hoyanayn bal isweydii.
Ninnoow maxaa kula gudboon? Haddii aad leedahay xaas oo aanad weli siin meherkeedii waxaad yeesha sidan: Ku dhawaw caawa. Sheeko aad u qurux badan uga sheekee. Wada qosla. Cawayskiinu markuu dhammaado waxaad ku tidhaa, “Meherkaagii hoo.” Ha sharxin. Hadalka ha badin. Haddii ay iyadu kugu celceliso maxaad ii siisay miyaad iga tegaysaana, waxaad u sheegtaa, “Mayee intii hore ayaaban kaasii jeclaaday.” Ha odhan erayadan iyagoon kaa run ahayn. Haddii ay ku tidhaa ii hayna, waxaad u sheegtaa inay dhigato halkay ku hayso hantida aad u dhiibatid. Haddii aad aragtid in welwelkii ka dhammaan waayeyna, hal sheeko oo kale ugu celi. Mid weliba ka qosol badan tii hore. Xataa haddii ay qosli weydo caawa, ha welwelin. Labaatan sanno kadib ayey ku qosli doontaaye.

Leave a comment