Magaca Buugga: Man’s Search For Meaning “Macno-Goobista Dadka”
Magaca Qoraaga: Victor E. Franklin “Fiktor Faranklin”
Daabacaddii: Beacon Press
Turjumistii: Ilse Lasch
Sannadka Daabacaadda: 2006 (Ugu horreyn wuxuu buuggani kusoo baxay Af-Jarmal sannadkii 1959kii)
Bog-tirsi: 163
Xaamud waa nin fiiro dheer ku darsaday joogtaynta in indhihiisu u furnaadaan la’yaabka dunidda. Maalinba mid ka tilmaamane, wuxuu maalin igaga yaabiyey markii u dhallan-rogay duco dadka badankiisu joogto ugu ducaystaan: “Ilaahaw waxaanu ku weydiisanay ballaayo khayr noo leh.”
Yaa? Ma anigaa mooday mise sidaasuuba u jeedaa Xaamud? Carrabku kama xadin ereyga Xaamud. Kas iyo maan ayuu u yidhi. Weliba wuu iigu celiyey, “Ilaahaw waxaanu ku weydiisanay ballaayo khayr noo leh.”
Muddo ayaa maankaygu ku mashquulay. Markaan Xaamud weydiiyo, wuxuu isagu ku doodaa ereyo u eg, “…adiga haddii khayrkeedu kusoo gaadho maxaad ka doonaysaa ballaayada? Ma magaceedaa ku dhiba?” Inkastoon arko xujadiisu inay adag tahay, haddana maankaygu kama ladin in Xaamud saxsanaan karo. Waxa la is odhan karaa, “Haddii Xaamud saxsan yahay, ducadaas malaha sannado badan ayaan seegnay?”
Halkani laakiin ma aha halkii aan kaga jawaabi lahaa saxsanaanta ama gefka Xaamud. Waxaanse arkaa in Xaamud mid la wadaago qorraaga buuggan kor ku xusan. Wuxuu qorraagu inooga sheekaynayaa waayihii uu kusoo maray xeryaha (concentration camps) lagu ururin jirey dadkii Yuhuuda ahaa ee deganaa inta Jarmalku ka taliyo wakhtiyadii Dagaalkii Labaad ee Dunida.
Fiktor wuxuu ahaa digtoor dhimirka ah markii lagu soo xidhay xeraddii Auschwits (Awshwitis). Xeradaas iyo laba ka dambeeyeyba, marka laga reebo marar yar oo tirsan, waxba kuma qaban farsamaddii iyo cilmigiisii aqooneed. Wuxuu ka mid ahaa uun maxaabiista kale.
Markii Awshwitis lagu keenay tareen waxa maxaabiista loo sheegay inay kaga tegaan wixii saabaan ah ee ay wataan tareenka. Fiktor wuxuu qarsaday boorso yar oo uu ku jirey buuggani oo nuqulkiisii ugu horreeyey “draft” uu ka shaqaynayey. Wuxuu diyaar u ahaa inuu waayo wixii hanti ahayd ee kale, laakiin buuggu wuxuu u ahaa noloshiisii oo kale. Naftiisana khatar ayuu ku geliyey sidaasi. Nasiibdarro, buuggiina waa la qabtay oo lagala wareegay kadib markii laga wada siibay xataa dharkii ay siteen.
Waxa loo kala saaray laba saf oo midna sida uu sheegayo loogu talogalay inay ka shaqeeyaan kolba halkii dawladdu heshiis kula gasho shirkadaha wadanka. Safka kalena, oo u badnaa dad intooda jilicsan, markii uu weydiiyey halka ay tegayaan maxaabiistii kale, waxa farta loogu fiiqay halka qiiqu ka baxo “chimney.”
Fiktor halkaas waxa ugu billaabantay nolol aad u adag oo quudkeeda yar yahay (dheefta ugu weyni tahay maraq biyo dareeraya ah), huga ay ka sitaan dhaxantu iska yahay jarqin xataa dabayl-xagaagu kasoo tabayso, kabahoodu yihiin, waaba ciddii haysatee, kuwo lugaha bararay aanay ku jiri karin. Nin dhintay kabihiisaa dhaama ayuu si run ah ugu arkayaa halkaas Fiktor. Meesha ay dhinaca dhigaani waa qoryo dhinac-qabad lahayn, qadhmuun badan, injirtu dhex dinaafayso, oo la is-dul-tuban yahay (inkastoo qoddobkaa ugu dambeeyaa dhinaca kalena wanaagiisa ka watay oo la is dugsanayey).
Waxyaabaha ugu darran ee meesha uu ku arkayo waxa ka mid naxariis-darrada waardiyeyaasha oo mararka qaar ay kasii dareen ta maxaabiista kale iyagoo horjoogayaasha qaar uu la yaabayo siday dadka ula dhaqmayaan. Waxa iyadna uu la yaabayaa sida waardiyeyaasha qaar ugu naxariistaan iyagoo shaqadooduba tahay inay fuliyaan cadaawadda dawladdu ugu diyaarisay meesha dadkaas lasoo xidhxidhay.
Noloshiisaas inagu waxaynu ka faa’iideynaa sida ay u bishay una hodmisay fikirkiisii ahaa baahida aadamuhu u qabo macno-goobista. Wuxuu ku doodayaa in aadamuhu u baahan yahay sabab uu u noolaado. Wuxuu dhallan-rogay ku mashquulidda macnaha nolosha isagoo ku doodaya “…inaanay waxba tarayn isweydiinta waxa nolosha aan ka filayno, laakiin ta muhiimka ahi tahay waxay iyadu inaga filayso. Waxaan u baahanay in aanu joojino isweydiinta macnaha nolosha oo halkeedii aanu ka fikirno in noloshu inaga ina weydiinayso su’aashaas maalin kasta iyo saacad kasta.” (bogga 77).
Fiktor wuxuu ku doodayaa in saddex meelood laga helo macnahaas: (1) Hawl: Ku dedaalista mihnadda iyo shaqo uu qofku u guntaday waa mid ka mid ah meelaha qofku ka raadcayn karo macnaha nolosha. Haddii qofku leeyahay hibo gaar ah, tusaale ahaan, wuxuu jecel yahay isticmaalidda hibadaas. (2) Jacayl: Jacaylka uu qofku u qaado qof kale isaguna waa dariiqyada macnaha nolosha lagu gaadho. Wuxuu ku doodayaa “in qofna qof kale si fiican u garan karin isagoo jeclaada mooyee. Jacaylku wuxuu awood u siinayaa inuu arko qofka astaamihiisa ugu mudan; iyo weliba wuxuu arkaa waxa uu noqon karro ee aanu weli noqon laakiin ay tahay inuu noqdo.” (3) Dhibta: Marka qofka ay ku habsato dhibaato weyni waxa ay gilgishaa qayb kasta oo naftiisa ah. Marar badan ayeyna halkas ka dhalataa karti iyo guulo aan suurtogal ahayn in laga fisho qofka markii uu iska ladnaa. Laakiin taasi ma aha macnaheedu, waa sida qorraagu ina leeyahaye, inaynu sugno inta masiibo inagu habsanayso.
Aqoontan wuxuu u bixiyey qorraagu Macno-Dhay “logotherapy.” Maanta dunida waxay ka tahay mid ka mid ah mad’habaha ay bartaan kuwa dhaya maanka iyo nafta. Su’aasha muhiimka inaga inoo ah halkan waxa weeye, maxaa laga faa’iidayaa akhriska buuggan? Su’aashani waxay weliba si gaar ah u sii muhiim noqonaysaa marka dadka aan u qoray maqaalkani yihiin muslimiin aaminsan in ujeedada nolosha ifku caddahay: وَمَا خَلَقْتُ الْجِنَّ وَالْإِنسَ إِلَّا لِيَعْبُدُونِ ﴿٥٦ “Umaan abuurin jin iyo insi toona inay Aniga (Ilaahay) caabudaan mooyee.”
Aadamaha bal gooni inoogu soo qaad. Waxaan jecelahay inaad halkan sabir ku dartid intaan soo dhiraandhirinayo. Waxaan jecelahay oo kale inaad ogaatid inaanan ahayn aqoonyahan ku xeeldheer diinta oo aanad duuduub ku wada liqine aad la kaashatid maankaaga, culimada iyo ilaha aqoonta diimeed kasoo burqadaan.
Waa tahay. Waxaad kasoo qaadaa dadku inay yihiin siddii hal qof. Qof kasta oo bahweynta aadamaha ka mid ah waxaad kasoo qaaddaa xubin ka tirsan jidhka guud ee Aadame. Haa, ogaan ayaan u weyneeyey A-da uu ka bilaabmo ereygaasi si aad ula socotid in dadkii oo dhan hal qof aynu ka wada dhignay, magac gaar ahna leeyahay oo ah Aadame. Waxaan uga daayey Aadan si aanad ugu qaldin magacii Nebi Aadam (NNKH) oo isaguna noqonaya xubin ka tirsan Aadame. Aadame waxa loo abuuray inuu Ilaahay, Sarreeye Ma Nusqaame, caabudo. Laakiin inta cibaadadu socoto iyo inta aanay soconba, shaqada xubnaha Aadame way kala duwan tahay. Midba meel ayey kaga toostaa. Tusaale ahaan, madaxa lagama tallaabsado ee lugo ayaad u baahan tahay. Waxase kulmisa inay dhammaan ku wada jiraan cibaado oo ah hawl guud iyo inay ka wada mid yihiin jidh keli ah, oo ah Aadame.
Macnaha buuggani ka hadlayo waa sidaas oo kale: Halkeed adigu shakhsi ahaan kaga beegan tahay nolosha? Ma dhabar wax xambaara ayaad tahay? Ma gacan wax goysa ayaad tahay? Ma maqal dhegood ayaad tahay? Ma calool keydisa oo shiidda cuntada iyo nafaqada ayaad tahay? Bal is macnee. Maxaad tartaa? Kaaga jawaabi maayo buuggu, laakiin wuxuu kaa caawinayaa meelaha ay tahay inaad ke eegto jawaabta. Waa kuu gaar inaad heshaayi.
Haddii aad taqaan macnahaaga ama wax-tarkaaga, buuggan waxaad ka faa’iidi kartaa arrimo badan oo kale. Kuwa ugu mudan waxa ka mid ah adigoo si run ah u arkaya mataanaha macaanka iyo qadhaadhka nolosha, sida Ilaahay inoogu sheegay, ” فَإِنَّ مَعَ الْعُسْرِ يُسْرًا ﴿٥” U fiirso aayadan. Ma laha dhibta waxa ka dambayn dheef. Way isla socdaan. Waa mataano. Cidhiidhiga gogoshu haddii uu ku dhibayo, waxaad ogaataa inuu dugsoon u yahay dhaxanta. Waa waxyaabaha u baranayo Fiktor. Ma la odhan karaa dheeftana dhib ayaa la socota? Oo Xaamud ta uu arkayey ma tanbaa?
Dhinaca kale waxaad arkaysaa sida aadamuhu u yahay noole barashadiisu adagtahay. Nolosha xeryahaasi, sida qorraagu ku doodayo, waxay tusaale u tahay inaanay jirin xaalad la odhan karro aadamaha oo dhan ayaa ka siman maadaama la qabsiga aadamuhu aad u sarreeyo. Dhinaca caafimaadka xataa. Wuxuu buuggu soo qaadanayaa nin cago-barar ku dhacay oo ka bogsaday oo qorraagu weydiiyey sida ay ku dhacday. Wuxuu ninkaasi ugu jawaabay, “Sidaan u ooyayey ayuu bararkii igaga dhacay.” (bogga 79).
Bal eeg darreenka rajada ee inta dhibtu jirto dhuumaalasiga badan. Bal suurayso markaad heshid. Marar badan adakaa rumaysigeedu. Mararka qaarna, macaanaa. Xigaalkan bal ila eeg, “Ninka soo guryonoqonaya waxa ugu filan waayo-aragnimo darreenka macaan ee uu ka helayo, kaddib marka uu intaas oo dhib ah soo mutay, ogaalka in aanay jirin wax uu ka baqo oo aan ka ahay Eebbe.” (The crowning experience of all, for the homecoming man, is the wonderful feeling that, after all he has suffered, there is nothing he need fear any more – except his God.)
Arrinta ugu layaabka badnayd ee aan kala kulmay buuggan waxa weeye sida aadamuhu markay talax-gabaan qaar badani ugu raraan dhibtooda meel aan waxba ka dhaxayn markaas ahaan. Midka ka mid ah maxaabiista ayaa wuxuu qorraaga kula talinayaa, “Ma taqaan cidda aanu u naqaan Muslin?” Waa ninka ay ka jiifto, u eeg wax buka, weyd ah, ee aan ahayn hawl-kar qaban kara shaqo adag… kaasaa Muslin ah. Kollayna waa kii loo diro qolalka sunta. Sidaas darteed, xasuusnow: xiir gadhka, u joogso una soco si xarrago leh; intaas dabadeed waxba haka cabsan sunta…” Markaan akhriyey ayaan is weydiiyey: maxaa bulshadaas la ciqaabayey naanays xun ugu bixinayaan bulsho kale oo aan waxaas shaqo ku lahayn? Ma u rartay cadhadaada meel aan ku haboonayn? Ma cabsi ayey inaga tahay markaan sidaas samayno mise garasho-darro? Tallow anigu ma sameeyaa? Tallow adigu ma samaysaa?
Waxaan ku gunnaanadayaa erayadiisa ah: “Waxkasta waa lagaa qaadi karaa marka laga reebo hal shay oo ah xorriyadda aad ku dooranaysid fal-celintaada. Ma go’aamin kartid waxkasta oo ku dhacaya noloshaada, laakiin waxaad go’aamin kartaa sida aad u dareentid ugana fal-celisid waxa kugu dhaca.” (Forces beyond your control can take away everything you possess except one thing, your freedom to choose how you will respond to the situation. You cannot control what happens to you in life, but you can always control what you will feel and do about what happens to you).

Leave a comment