Magaca Buugga: From A Crooked Rib “Ka Timid Feedh Qalloocan.”
Magaca Qoraaga: Nuuradiin Faarax
Daabacaddii: Penguin
Sannadkii la qoray: 1968
Bog-tirsi: 163
Buuggan kor ku xusan oo ah male-awaal wuxuu qoraagu inagu guddoonsiinayaa sheekada Ceebla. Ceebla waa gabadh ku dhalatay oo ku barbaartay miyiga ilaa awowgeed oo ahaa cidda qudha ee nolosheeda go’aamisaa uu guurkeeda u qabanqaabiyey Jimcaale sidaasna uga daaduuntay noloshii ay taqaanay. Halka Ceebla ka tahay ugub aan weli labaatan jirsan, Jimcaale waa oday weyn oo da’diisa lagu murmayo sideetameeyadiisii ama sagaashameeyadiisii midkuu ku jiro.
Dalanbaabiga Ceebla wuxuu geeyey Beledweyne oo ay kula noolaatay guriga ina adeerkeed Geedi iyo Cawrala. Nolosha cusub ee magaalo wax badan ayey kala kulmaysaa. Ta ugu darani waa in waxyaabihii ay kasoo carartay aanay ka wada hadhin. Ceebla waxa mar labaad gacanteeda guur loogu yaboohay dilaal hantida uu ka rabay Geedi badnayd. Halkaasna waxa u bilaabmay dhalandhool kale oo ka duwan kii hore: in ay isla baxsadaan Cawil oo ah wiil degan Muqdisho laakiin edadii jaar la tahay qoyska Cawrala iyo Geedi.
Sidii ayna ku fillayn wixii kasoo gaadhay wixii baadiyaha iyo Beledweyne ku helay, noloshii Muqdisho waxa iyaduna ku curatay waayida bikradeedii intaanay guursan ka hor iyo weliba socdaalkii Cawil arooskoodii koobnaa kadib. Waxase cay iyo cadho ugu fillayd markii ay aragtay sawiradda uu Cawil kula galay Talyaaniga gabdhaha qaaqaawan. Ceebla kalsoonidii qadhiidhka ahayd ee ay u qabtay Cawil way ka qubatay. Iyadoo wareersan ayey Caasha, waa gabadha ka masuulka ah guriga Ceebla degan tahaye, kula talisay inay Ceebla guursato Tiffo oo ah ganacsade hodman. Markii ay ku dhex luntay fikradaha iyo qiirada isku hirdiyaya laabteeda, ayey go’aansatay inay Tiffo si sir ah isku qabaan. Tiffo waa nin weyn oo xaas iyo carruur qaarkood le’eg yihiin Ceebla da’ iyo jidhba leh. Noloshii sirta ahayd ee dhadhanka la isku qabay – dhanka Ceeblana dhaqaale, dhanka Tiffona dadabgal – waxay soo gebogebootay markii Ardo, waa xaaskii Tiffo, ay dagaal kusoo qaaday Ceebla, Cawilna boholyow iyo waxaad moodo toobad lasoo noqday. Ceebla waxase ku maqan iniin…
Quruxda buuggani waa iyadoo qoraagu inala socdaalinayo, uur iyo oogaba, Ceebla oo aynu nolosheeda kula qaybsanayno si sare inagoo arkayna, maqlayna waxay galayso ama laga galayo, marar kalena si hoose inoogu sir-qarsanaysa iyadoo inagu aaminaysa walaacyadeeda, muranka nafteeda iyo siraheeda hoose. Waa buug wax badan kaa tusaya nolosha haweenka Soomaaliyeed sida ay marar badan ugu qotonto gurriga ay joogayso. Markii hore waxa Ceebla bixiyey awowgeed oo ah qofka soo koriyey; haddii aad isaga u garawdo, waxa iminaysa Geedina ma u garaabaysaa? Maxaa ka dhiga bixinta gabadha wanaag loo samaynayo iyada marka ayna iyaduba ka raali-ahayn? Mise, sida Geedi iyo Caashaba ka muuqata buuggan, la isna odhan karo ilaa xad ayey ku jiri kartaa awowgeedna, danta qofka isku arka inuu indho u yahay ama masuul ka yahay gabadha ayaa la xeerinayaa?
Dhanka kale, qoraagu wuxuu wejiga inagaga dhufanayaa sida bulsho ahaan aynaan qallooca u saarin cidda iska leh laakiin aynu u raadino “jawaabo haboon” oo cidda tamar xun ku tiirsada. Ceebla waa tamar-darrantaas haddii sheekada lagaaga sheego inta u dambaysa oo qudha, gaar ahaan inta Tiffo, aad gaadhayso su’aal ah, “Waxaan moodayey inaad lahaydeen waa Ceebla?” Laakiin, haddii ay ahayd gabadh isku dayaysa inay nolosheedu ku qotonto sifada magaceeda, maalinba maalinta ka dambaysa way kasii durkaysay sifadaas iyadoo ay ugu wacan tahay xaqiraadda caqligeeda loo geysanayo. Halkii laga caawin lahaa gaadhista go’aanada nolosheeda waxa laga doorbiday in looba gaadho – waa marka koowaade, awowgeed, marka labaad iyadoo kasii durkaysa taladu dadkii ay taqaanay waa ina adeerkeed Geedi, waa marka saddexaadde ilaa ay u gaadhay gabadh aanay is aqoon Muqdisho ka hor meel ay iska soo galaanna ayna jirin.
Waxa buuggan ka dhadhamaysa in qorraagu si taxadir leh ku doortay magacaanta, gaar ahaan kuwa haweenka. Bal u fiirso Ceebla, Cawrala, iyo Ardo. Halka labadda magac ee hore ka turjumayaan saafinimada iyo hufnaanta dabeecadeed ama dhaqan ee haweenka, ka dambe wuxuu ka turjumayaa dulqaadkooda ileyn dhulka iyo hooyo midna “ax” ma yidhaahdee.
Marka laga yimaaddo fikradda buugga xuddunta u ah ee haweenka iyo danaha bulsho ee haween xor ahi keeni karaan, waa buug u habaysan qaab qurux badan oo doodihiisa u gudbinaya si caqli gal ah. Wuxuu qorraagu soo bandhigayaa humaagyo, dood-keliyeed uu qofku isla wadaagayo oo uu kugu tusayo hirdanka diimeed, dhaqan iyo fikirka qofku siday isku ceshadaan, caabiyaan, marar kalena iskuba cabudhiyaan.
Haddii buuggaas la yidhaahdo kusoo koob hal kelmad waxa uu ka hadlayo, waxa ugu fiican kelmadda buuggu kasoo amaahday Samuel Becket, “There is a man all over for you, blaming on his boots the faults of his feet.” Macnaheedu waxa u dhawdahay, “Waxa jira nin kugu lammaan, oo ceebta cagtiisa ku caaya kabtiisa.” Xussuuso Ceebla. Xussuuso Cawrala. Xussuuso Ardo…

Leave a comment